Ciidanka Qaranka ayaa ku jira heegan buuxa oo u suurtagelinaya inay ka hortagaan weerar kasta oo kaga iman kara jiho kasta – Fildh Maarshaal Birhaanu Juula - ENA Af-Soomaali
Ciidanka Qaranka ayaa ku jira heegan buuxa oo u suurtagelinaya inay ka hortagaan weerar kasta oo kaga iman kara jiho kasta – Fildh Maarshaal Birhaanu Juula

Jimma, Afagaal/Hamle 14/2017 (ENA): Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Fildh Maarshaal Birhaanu Juula, ayaa sheegay in ciidanku uu ku jiro heegan sare oo awood u siinaya inuu ka hortago weerar kasta oo kaga yimaada dhanka kasta.
Hadalkan ayuu ka jeediyey magaalada Jimma, xilli uu hoggaaminayey kulan lagu falanqeynayay natiijooyinka howlgallo kala duwan oo ka dhacay xeryaha dhexe ee Dallol, iyadoo halku-dhagg looga dhigay "Guul weyn ayaan ku gaari doonaa sal adag."
Fildh Maarshaal Birhaanu Juula ayaa xusay in ciidanka uu mar walba diyaar u yahay difaaca dalka iyo ilaalinta madax-bannaanida qaranka, wuxuuna adkeeyay in diyaar-garowgaas uu yahay mid joogto ah.
Wuxuu intaa ku daray in shacabka Itoobiya ay yihiin dad leh geesinimk iyo waddaniyad naf-hurnimo ku suntan, taas oo dunidu qirto, taariikhduna markhaati ka tahay.
Wuxuu caddeeyay in mustaqbalka ciidanku uu weli ku jiro heegan sare si uu u sugo amniga Itoobiya una ilaaliyo karaamadeeda, sida uu shalay iyo maanta u sugnaa.
Taliyuhu wuxuu sidoo kale xusay in Ciidanka Difaaca Qaranka uu maanta ku sugan yahay awood difaac oo heer sare ah oo u saamaxaysa inuu ilaaliyo madax-bannaanida Itoobiya.
Xerada dhexe ee Dallol waxay door muuqda ka ciyaartay ilaalinta nabadda koonfur-galbeed Itoobiya, wuxuuna taliyuhu sheegay in xeradaasi ay sii xoojin doonto diyaar-garowgeeda.
Wuxuu si gaar ah uga hadlay xoogagga deegaanka ku sugan ee weli wiiqaya amniga dalka, isagoo ugu baaqay inay u soo laabtaan nabadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in nabaddu ay tahay ahmiyadda koowaad.
Taliyaha howl-gallada ee xerada dhexe ee Dallol, Major Jeneral Abduro Khadiir, ayaa isna sheegay in ciidamada ku sugan xeradaasi ay si geesinimo leh u fuliyeen howlgallo kala duwan meel kasta oo ay joogaan.
Wuxuu si gaar ah u sheegay in gobalka Wollega iyo agagaarkiisa laga xaliyay dhibaatooyin amni iyada oo lala shaqaynayo shacabka deegaanka, lagana miro dhaliyay dadaallada nabadeynta.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in xeradu ay sii wadi doonto dadaalladeeda lagu sugayo nabadda deegaanka iyo ilaalinta nolosha shacabka iyadoo la xoojiyay howlgalka.
Sidoo kale, taliyuhu wuxuu tilmaamay in xubnaha xerada ay ka qeyb qaataan shaqooyin iskaa wax u qabso ah oo bulshada anfaca, si ay u muujiyaan isku duubni iyo wadashaqeyn nabadeed.
Ugu dambeyntii, munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay saraakiil ciidan oo sar sare, xubnaha coidanka, iyo dadweynaha magaalada Jimma.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya