In ka badan 1.5 milyan oo hektar oo dhul ah ayaa la beeray deegaanka Benishangul Gumuz – Madaxweyne Ashadli Xasan

Asosa; Afagaal/Hamle 14/2017 (ENA): In ka badan 1.5 milyan oo hektar oo dhul ah ayaa laga beeray deegaanka Benishangul Gumuz xilli beeraadka sannadkan, sida uu sheegay madaxweynaha deegaanka Ashadli Xasan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in la qorsheeyay in wax ka badan 55 milyan oo kiintal laga soo goyn doono dhulka deegaanka xilliyada dalagyada sannadkan.

Macaxweynuhu waxa uu maanta kormeer ku tagay beero galey ah oo laga beerayo gudaha degmada Aburamo ee gobolka Angulalo ee deegaankaad, kaas oo ku yaala in ka badan 3,200 oo hektar oo dhul beeraad ah.

Sida uu sheegay mudane Ashadli, waxaa fiiro gaar ah loo leeyahay sidii beeralayda looga caawin lahaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda beeraha iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah ee beeraha.


 

Waxa uu sheegay in beeralayda deegaanka ay beerteen beero isku dhaf ah, isla markaana ay qorshaynayaan in beeralayda in ka badan 1.6 milyan oo hektar ay ku dabooshaan abuur xilliyada soo socda.

Waxa uu sheegay in ilaa hadda in ka badan 1 milyan 500 kun oo hektar lagu beeray dalagyo kala duwan, isla markaana la qorsheynayo in la soo saaro wax ka badan 55 milyan oo kiintal oo dalag ah. 

Waxa uu sheegay in sanadkan wax soo saarka beeraha ay yihiin kuwo dhiiri galin leh, waxa uuna sidoo kale tilmaamay in lagu dadaalayo sidii loo xaqiijin lahaa madax banaanida cuntada ee deegaanka.

Madaxweynaha ayaa intii uu u kuurgalayay howlaha shaqo ee ka socda degmada waxa uu ka qeyb qaatay dhir beeridda barnaamijka raadka cagaaran.

#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015