Shaqooyin wax-ku-ool ah oo ka tarjumaya baahida horumarineed ee shacabka ayaa la fuliyay sanadkii la soo dhaafay – Adhaanej Abebe

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 12/2017 (ENA): Duqa magaalada Addis Ababa, Marwo Adhaanej Abebe, ayaa sheegtay in dowladda hoose ee magaalada ay sanad miisaaniyaddeedka 2017 hirgelisay shaqooyin wax-ku-ool ah oo ka turjumaya baahida horumarineed ee bulshada.

Hadalkaasi waxay ka jeedisay kulan lagu gorfeynayay waxqabadkii sanadkii tagay ee 2017 iyo qorsheyaasha cusub ee sanad-miisaaniyadeedka 2018, kaasoo ay magaalada Addis Ababa ka billowdeen.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Afhayeenka golaha baarlamaanka Addis Ababa Mudane Buseena Alqadir, madaxa xisbiga Barwaaqo ee Addis Ababa Mudane Moges Baljaa, iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka magaalada.

Adhaanej Abebe waxay sheegtay in sanad miisaaniyadeedka 2017 uu ahaa mid guulo badan laga gaaray, iyadoo waxqabadka guud ee qorshaha sanadkaa lagu fuliyay heer dhan 95%.

Waxay xustay in mashaariicda horumarineed ee la hirgeliyay ay ahaayeen kuwa si toos ah uga jawaabaya baahida shacabka, isla markaana ay natiijadoodu la taaban karo ahayd.

Marwadu waxay tilmaantay in mashaariicdaasi ay ahaayeen kuwo bulsho badan si toos ah uga faa’iideysatay, isla markaana leh saameyn togan oo la dareemayo.


 

Sidoo kale, si wax looga qabto sicir-bararka iyo qiimaha sare ee nolosha, waxay sheegtay in dadaallo la sameeyay si badeecooyin kala duwan oo muhiim u ah nolosha bulshada loogu keeno magaalada, taasoo gacan ka geysatay xasillinta suuqyada.

Dhanka shaqo-abuurka, Adhaanej Abebe waxay sheegtay in wax ka badan intii lagu talo-galay la qabtay, iyada oo la sameeyay fursado shaqo oo dheeri ah, sidoo kalena la xoojiyay ilaha dakhliga magaalada.

Iyadoo ka hadleysa warshadaha magaalada ku yaalla, waxay sheegtay in waxqabadka laga diiwaangeliyay uu ahaa mid sarreeya, taasoo kor u qaaday wax-soo-saarka iyo tayada badeecooyinka.

Marwo Adhaanej Abebe ayaa sidoo kale tilmaantay in barnaamijka horumarinta waddooyinka uu beddel weyn ku sameeyay bilicda, nadaafadda iyo muuqaalkii guud ee magaalada.

Waxay sheegtay in horumarkaasi uu Addis Ababa u beddelay meel nolol wanaagsan leh oo soo jiidan karta dalxiisayaasha.

Ugu dambayntii, Adhaanej Abebe waxay si dhab ah u qirtay in shaqooyinka la qabtay aysan wali gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa, hase yeeshee waxay ballan qaaday in sanadka cusub ee 2018 la kaashan doono waxyaabihii laga bartay si loo gaaro natiijooyin waara.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015