Maamulka hadda jira ayaa xilka sii hayn doona ilaa 30-ka bisha Naaf/Nahase – Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Maamulka hadda jira ayaa xilka sii hayn doona ilaa 30-ka bisha Naaf/Nahase – Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 11/2017 (ENA): Golaha sare ee arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in maamulka hadda jira uu xilka sii hayn doono ilaa 30-ka Naaf/Nahase.
Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa maanta yeeshay kalfadhigii 3-aad ee aan deg degga ee ee sannadkii 3-aad.
Kalfadhigan ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.
Sida uu sheegay Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa oo ah madaxa golaha sare ee arrimaha islaamka Itoobiya oo khudbadii furitaanka golaha ka jeediyay ayaa sheegay in golaha fulinta ee hadda talada haya ay muddo saddex sano ah u adeegayeen bulshada muslimiinta ah tan iyo 11-kii Afagaal/Hamle 2014 T.I.
Waxa kale oo uu sheegay in hawlo lagu guulaystay la qabtay muddadaas.
Anuwar Mustafa oo ah xubin gudiga fulinta ah ahna agaasimaha waxbarashada iyo adeega bulshada ee golaha sare ee arimaha islaamka itoobiya ayaa bayaankiisa ku sheegay in shacabka muslimka ahi ay doortaan wakiilo laga diwaan galin doono masaajid kasta.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga fulinta doorashooyinku ay codsadeen in waqti dheeri ah lagu kordhiyo si ay hawshooda u dhameeyaan, waxaana la go’aamiyay in muddo kordhin loo sameeyo golaha guud ee golaha iyo guddiga fulinta oo hadda heer kasta ka shaqeeya, ilaa 30-ka Naaf/Nahase 2017 T.I.
War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay cid kasta oo ay khusayso inay doorkooda ka qaataan sidii loogu guulaysan lahaa hirgelinta doorashada.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya