Waxaa Deegaanka ka socda hawlo dhiirigelin ah oo Tusaale u noqon kara Deegaannada kale – Mudane Aaden Faarax

Harar; Afagaal/Hamle 11/2017 (ENA):- Deegaanka Hararida waxaa ka socda hawlo dhiirigalin ah oo noqon doona waayo aragnimo qaran, sidaa waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xarunta dhexe ee Dhismaha Dimuqraadiyada iyo lehna Awood Ra’iisul Wasaare ku xigeen Aaden Faarax. 

Mudane Aaden Faarax ayaa xadhiga ka jaray xafiisyo laga dhisay dhamaan sagaalka degmo ee deegaanka Harari.


 

Munaasabaddan ayuu ku sheegay in isbadalka ka dhacay deegaanka Harari uu ku soo arkay horumar la taaban karo.

Waxa uu xusay in xilligan ay deegaankan ka socdaan howlo dhiirigelin ah oo khibrad qaran u noqon doona; isagoo tilmaamay in midnimada hoggaanka iyo shacabka ay kaalin mug leh ka qaadanayaan arrintan.

Waxa uu xusay in dhismayaashii laga dhisay sagaalka degmo lagu dhisay kharash yar, taasi oo muujinaysa nidaamka maamulka mashaariicda ee xisbiga.


 

Madaxweynaha Deegaanka Harari Ordin Bedri, ayaa dhankiisa sheegay in guulihii waaweynaa ee laga soo hooyay dal ahaan ay muujinayso saxnaanta siyaasadda xisbiga Barwaaqo iyo soo dhawaynta shacabka.

Waxa uu xusay in shaqooyin wax ku ool ah la qabtay iyaga oo ka jawaabaya baahida horumarineed ee dadka, kor u kaca wax soo saarka, horumarinta marinada ayaa sidoo kale ahaa mid dhiirigelin leh.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Roza Cumer iyo madax kale oo heer federaal iyo heer deegaan ah.

#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015