Waa in la horumariyaa dhaqan ku salaysan in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal, lagana fogaado khilaafka – Culumaa’udiinka

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 10/2017 (ENA): Culimaa’udiinka ayaa ku baaqay in la horumariyo dhaqanka ku saleysan in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal, lagana fogaado khilaafka. 

Culimaa’udiinka oo hoos imaanaya hay’adaha diimaha Itoobiya ayaa faallooyinkooda siiyay ENA ee ku aaddan baaqii nabadeed ee ay culumada diintu ka soo saareen magaalada Maqale ee deegaanka Tigreega.


 

Sida uu sheegay gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka Itoobiya mudane xaaji ibraahim tufa oo ku hadlaya magaca culumaa’udiinka ayaa sheegay in culima’udiinka ay kawada hadleen madaxwaynaha maamulka kumeel gaadhka ah ee Tigray Janaraal Tadhese Werede iyo hogaamintiisa iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka mudadii ay joogeen. 

Culimada ayaa sidoo kale tilmaamay in ay baaq nabadeed u direen dadka ay khuseyso.


 

Culimaa’udiinka ayuu sheegay in ay kala hadleen dhinacyo kala duwan oo ay khusayso Tigrayga, waxayna carabka ku adkeeyeen in khilaafaadka lagu xaliyo oo kaliya qaab nabadeed. 

Waxay rajo ka muujiyeen in daneeyayaashu ay ku xalliyaan khilaafaadka qaab nabadeed oo kaliya. 

Xaaji Ibraahim waxa kale oo uu tilmaamay in Golaha Culimadu ay sii xoojin doonaan wax qabadkooda wanaagsan ee ay ka qayb qaadanayaan, waxana uu ku nuux-nuux saday in dhaqanka ku salaysan in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal oo kaliya, lagana fogaado khilaafyada in laga horumariyo dalka oo dhan. 

#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015