Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Barwaaqo Ahna Madaxa Xafiiska Dhexe Mudane Aaden Faarax Ayaa Daahfuray Barnaamijka Raadka Cagaaran Ee Ismaamulka Magaalada Diridhaba - ENA Af-Soomaali
Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Barwaaqo Ahna Madaxa Xafiiska Dhexe Mudane Aaden Faarax Ayaa Daahfuray Barnaamijka Raadka Cagaaran Ee Ismaamulka Magaalada Diridhaba

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 09/2017 (ENA): Barnaamijka Raadka Cagaaran ee sanadkan 2017-ka laga fulinayo guud ahaan dalka, halku-dhiggiisuna yahay "Dhir-beeris Dib-u-soo-noolayn ah" ayaa laga daahfuray Maamulka Magaalada Diridhaba.
Waxaa barnaamijka ka soo qeyb galay madaxda xafiiska guud ee Xisbiga Barwaaqo, xafiisyada Deegaannada iyo kan magaalada, madaxda sare ee maamulka magaalada Dirdhaba.
Madaxweyne ku xigeenka xisbiga barwaaqo ahna madaxa xafiiska dhexe ee xisbiga mudane Aaden Faarax oo ka hadlay munaasibad lagu daah furayay barnaamijka raadka cagaaran ee ismaamulka magaalada Diridhaba ayaa sheegay in barnaamijkan raadka cagaaran ee dalka oo dhan laga hirgalinayo, isagoo xusay in ay guulo waaweyn laga soo hooyey barnaamijkan.
Waxa uu sheegay in barnaamijkani uu kaalin mug leh ka qaatay xakameynta isbedelka cimilada, kordhinta wax soo saarka beeraha, abuurista fursado shaqo iyo hagaajinta bilicda deegaanka.
Waxa kale uu sheegay in geedo dhaqaale ahaan iyo deegaan ahaanba u wanaagsan laga beerayo meel kasta iyadoo loo marayo; islamarkaana in dhamaan shacabka ka qayb qaadanaya barnaamijkan ay mudan yihiin in si gaar ah loogu mahadceliyo kaalintooda.
Waxa kale oo uu xusay in Itoobiya ay door tusaale ah u tahay caalamka dhir beerista iyada oo u maraysa barnaamijka raadka cagaaran.
Ugu dambayntii, waxa kale uu sheegay in barnaamijka raadka cagaaran uu faa’iido weyn u leeyahay cimiladda Diridhaba. Sidaas darteedna in maamulka magaaladu ay sii xoojiyaan khibradaha ay ka heleen barnaamijkan.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya