In ka badan 404 kun oo dalxiisayaal ajaanib iyo kuwa dalka gudihiisa ah ayaa Sannadkan U Dalxiis Tagay Deegaanka Canfarta

Adis-ababa, Afagaal/Hamle 9/2017 (ENA): Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Deegaanka Canfarta ayaa sheegay inuu si wayn ugu hawlan yahay sidii loo sii xoojin lahaa hawlaha waaxda dalxiiska laga qabanayo iyadoo la balaadhinayo goobaha dalxiiska ee Deegaanka.


 

Ku xigeenka madaxa xafiiska Mudane Cabdu Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta Fana in sanad miisaaniyadeedka 2017 la qabtay shaqooyin badan oo lagu sii xoojinayo korna loogu qaadayo fursadaha dalxiiska ee deegaanka.


 

Wuxuu sheegay in natiijooyin dhiirigelin leh laga gaaray horumarinta goobaha ugu waaweyn ee loo dalxiis tago oo ay ka mid yihiin Dalool, Cartaale, Harta Afdheera, Alalo Bad Fell, Seerta Qaranka ee Awash, Harta Cabiyee iyo kuwa kale.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015