In ka badan 40,000 oo mutadawiciin ah ayaa ka qeyb qaadan doona adeegga mutadawacnimada xilliga xaggaaga ee deegaanka Hararida – Xafiiska - ENA Af-Soomaali
In ka badan 40,000 oo mutadawiciin ah ayaa ka qeyb qaadan doona adeegga mutadawacnimada xilliga xaggaaga ee deegaanka Hararida – Xafiiska

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 5/2017 (ENA): Xafiiska Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee deegaanka Hararida ayaa shaaciyay in la bilaabi doono adeegga mutadawacnimada xilliga xaggaaga, oo ay ka qeyb qaadan doonaan in ka badan 40,000 oo mutadawiciin ah.
Adeeggan oo lagu fulinayo hal-ku-dhigga “Soo noolaynta dhulka iyadoo wax la beerayo" ayaa si rasmi ah maanta looga daahfuray magaalada Harar, waxaana furitaanka hogaaminayay Madaxweynaha Deegaanka Ordiin Badri.
Mashaariicda la fulin doono waxaa ka mid ah dayactirka guryaha dadka danyarta ah iyo beerista geedaha, waxaana lagu qabanayaa degmooyinka magaalada iyo kuwa miyigaba ee deegaanka.
Furitaankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ku-xigeenka Madaxweynaha Deegaanka Hararida, Rooda Cumar, Madaxa xafiiska xisbiga Barwaaqo ee deegaanka Hararida, Getu Weyesa, iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah.
Madaxa Xafiiska Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada, Marwo Ramsiya Cabdiwahaab, ayaa sheegtay in tirada dhallinyarada ka qeybqaadanaya adeegga mutadawacnimada ay sanadba sanadka ka dambeeya kor u sii kacday.
Waxay intaa ku dartay in adeegga mutadawacnimada lagu fulin doono dhammaan deegaanka Hararida inta lagu jiro xilliga xaggaaga, iyadoo qorshayaasha horumarineed ay si buuxda u socon doonaan.
Waxaa sidoo kale la sheegay in adeegga mutadawacnimada ee sanadkan uu ka kooban yahay 14 mashruuc oo muhiim ah oo si toos ah bulshada ugu faa’iideynaya.
Sanadkii hore, waxaa deegaanka Hararida laga fuliyay mashaariic horumarineed oo qiimahoodu ka badan yahay 190 milyan oo Birr, taasoo qeyb ka ahayd adeegga mutadawacnimada, sida ay sheegtay Marwo Ramsiya.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya