2.5 Bilyan oo Geed ayaa ilaa hadda la beeray Ololaha Cagaaran ee sanadkan – Wasiirka Beeraha Dr. Girmaa Amantee - ENA Af-Soomaali
2.5 Bilyan oo Geed ayaa ilaa hadda la beeray Ololaha Cagaaran ee sanadkan – Wasiirka Beeraha Dr. Girmaa Amantee

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 5/2017 (ENA): Wasiirka Beeraha ee Itoobiya, Dr. Girmaa Amantee, ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 2.5 bilyan oo geed la beeray iyadoo lagu guda jiro Ololaha Raadka Cagaaran ee sannadkan.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa si rasmi ah u daahfuray ololahan oo hal-ku-dhiggiisu yahay ““Soo noolaynta dhulka iyo wax la beerayo” taariikhdu markay ahayd 20-ka Agaali/Sane 2017 T.I.
Shaqaalaha iyo hoggaanka Wasaaradda Beeraha ayaa iyaguna ka qeyb qaatay dhir beerista, gaar ahaan magaalada Sheger, degmada Koye Faje.
Wasiirka Beeraha, Dr. Girmaa, ayaa xusay in guusha Ololaha Raadka Cagaaran ay tahay mid ka tarjumaysa dedaalka Itoobiya ee dhinaca horumarka iyo kor u qaadista ilaalinta deegaanka.
Sida qorshaha sanadkan yahay, waxaa la doonayaa in guud ahaan dalka laga beero 7.5 bilyan oo geed, iyadoo ololaha dhir beerista uu si weyn uga socda dhammaan deegaannada iyo maamul magaalooyinka dalka.
Dr. Girmaa wuxuu sidoo kale xusay in illaa hadda lagu guuleystay in la beero 2.5 bilyan oo geed, taasoo ah horumar muuqda.
Dhankiisa, ku-xigeenka duqa magaalada Sheger iyo Iskuduwaha Beeraha Girmaa Haylu, ayaa sheegay in ololaha dhir beerista uu wax weyn ka tari doono qurxinta magaalada Sheger iyo ilaalinta deegaanka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya