Horumarinta Marinnada Magaalada Addis Ababa ayaa kor u qaaday bilicda iyo tayada nolosha - Adhaanaj Abebe - ENA Af-Soomaali
Horumarinta Marinnada Magaalada Addis Ababa ayaa kor u qaaday bilicda iyo tayada nolosha - Adhaanaj Abebe

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Duqa magaalada Addis Ababa, Marwo Adhaanaj Abebe, ayaa sheegtay in horumarinta waddooyinka magaalada ay Addis Ababa ka dhigeyso magaalo wanaagsan oo lagu noolaan karo, isla markaana soo jiidasho leh oo u fiican dadka deegaanka iyo booqdayaasha, iyadoo kor u qaadaysa muuqaalka wanaagsan ee dalka.
Kalafadhiga caadiga ah ee 4aad ee Golaha Magaaladda Addis Ababa, ayaa si rasmi ah u furmay.
Duqa magaalada Addis Ababa, Adhaanaj Abebe, oo warbixin ka jeedisay waxqabadka maamulka magaalada ee sannad-miisaaniyeedka 2017T.I., ayaa si gaar ah u iftiimisay dadaallada horumarineed ee socda, gaar ahaan wejiga labaad ee mashruuca horumarinta marinnada magaalada.
Waxay sheegtay in wejiga labaad ee horumarinta waddooyinka lagu saleeyay qorshe wanaagsan oo laga faa’iideystay khibradaha laga helay wejiga hore, taasoo suurtagal ka dhigtay in si degdeg ah oo tayo leh howshu u socoto.
Waxay sidoo kale sheegtay in shacabka lagu wargeliyay qorshayaasha mashruuca, lagana qaybgeliyay, taasoo sahashay in horumarku noqdo mid ay bulshada daneyso oo ka faa’iideysata.
Waxaa la xusay in dadkii laga raray goobihii ay ku naalaayeen ee hore oo ay adkayd in lagu noaado la dejiyay guryo ku habboon, isla markaana loo dhisay kaabayaal ay ka mid yihiin: suuqyo, goobaha cagaaran, meelaha carruurta ku ciyaaraan, xarumo caafimaad, dugsiyaal iyo adeegyo kale oo bulsho.
Wejiga labaad ee mashruuca horumarinta marinnada magaalada waxa uu ka kooban yahay: 135 km oo waddooyinka baabuurta ah, 246 km oo waddo loogu talagalay dadka lugeeya, 141 km oo waddooyin baaskiil loogu talagalay, Goobo loogu talagalay orodka, 53 buundooyin isgoysyo ah oo loogu talagalay dadka iyo baabuurta, Kanaallo biyaha roobka qaada iyo darbiyo difaac ah oo badan.
Waxaa sidoo kale laga hirgaliyay xarumo baabuurta la dhigto iyo terminallo casri ah oo hal mar qaadi kara ilaa 35,000 oo gaari.
Dhinaca korontada, waxaa la dhisay tiirar koronto oo tayo sare leh, kuwo casri ah iyo khadad koronto dhulka hoostiisa mara, taas oo ah horumar waara.
Duqa magaalada waxay sheegtay in sidoo kale la hirgeliyay goobaha nasashada iyo madadaalada bulshada, kuwaas oo ka kooban: 431 hektar oo dhul cagaaran, 110 goobo madadaalo oo casri ah, 112 musqulo dadweyne oo ku yaal hareeraha waddooyinka.
Waxay intaa ku dartay in horumarinta waddooyinka ay Addis Ababa ka dhigayso magaalo caalami ah oo tartan la gali karta caasimadaha kale.
Waxaa sidoo kale la xusay in Addis Ababa ay ku guuleysatay abaalmarinta magaalo casri ah ee Afrika, kadib markii ay kaalinta koowaad ka gashay tartan caalami ah oo ay ka qayb galeen 115 magaalo, gaar ahaan qeybta isbeddelka magaalooyinka.
Duqa magaalada waxay sheegtay in mashruuca horumarinta marinnada ujeeddadiisu tahay in cid walba ka faa’iideyso, cidna aysan dib uga harin, si loo xaqiijiyo horumar sinnaan ah.
Waxay intaa ku dartay in mashruucu uu beddelay heerka magaalada, kobcinta awooda tartanka, isbeddelka dhaqanka shaqada, dhiirrigelinta ah "waa suurtagal”, sare u qaadidda hufnaanta hogaaminta mashruuca, iyo iskaashiga lala yeeshay daneeyayaasha kale — taasoo dhammmaan keentay natiijooyin muuqda.
Ugu dambeyn, waxay xustay in mashruucu uu abuuray fursado shaqo oo ay ka faa’iideen boqolaal kun oo qof, isla markaana uu Addis Ababa u beddelay magaalo qurxoon, nadiif ah oo cagaaran, taasoo si weyn kor ugu qaaday muuqaalkii wanaagsan ee dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya