Horumaradii la diiwaangeliyey sanad-miisaaniyeedkii dhameeday ayaa si adag loo xoojin doonaa – Mustafe Muxumed - ENA Af-Soomaali
Horumaradii la diiwaangeliyey sanad-miisaaniyeedkii dhameeday ayaa si adag loo xoojin doonaa – Mustafe Muxumed

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed, ayaa sheegay in dadaallada lagu xoojinayo waxqabadka miro-dhalka leh ee laga gaaray horumarka iyo maamulka suuban ee deegaanka, ay si rasmi ah u socon doonaan.
Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada Jigjiga, xilli la soo gebagebeeyay madal socotay afar maalmood oo lagu qiimeynayay waxqabadka xafiisyada heer deegaan iyo maamulka gobollada deegaanka ee sanad-miisaaniyeedka 2017-ka Tirsi-Itoobiyanka.
Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay lagu guulaystay fulinta shaqooyin miro-dhal ah oo ku saleysan horumar iyo maamulka suuban.
Waxa uu xusay in qiimaynta lagu saleeyay waxqabadka xooggan ee la taaban karo, iyadoo sidoo kalena xoog la saaray lafa-gurka dhinacyada daciifka ah, si loogu gudbo heer cusub oo ka sarreeya horumarka la gaaray.
Wuxuu intaas ku daray in qorshayaal cad-cad laga dejiyay arrimaha mudnaanta u leh deegaanka, si mustaqbalka loogu wajaho si qorshaysan iyo hab wax-ku-ool ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in madashu muhiim u ahayd in la kala saaro heerka adeegyada bulshada, lana xalliyo caqabadaha hortaagan hirgelinta qorshayaasha dowladda.
Gaar ahaan, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha adeeg bixinta bulshada ay xoojiyaan isla xisaabtanka iyo hufnaanta; sidoo kalena, sanadka cusub ee miisaaniyadda ay lagama maarmaan tahay in la dardargeliyo bixinta adeegyada bulshada, hagaajinta nidaamka maamulka, iyo kobcinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya