Deegaanka Soomaalida ayaa soo xareeyay 18.5 bilyan oo Birr - ENA Af-Soomaali
Deegaanka Soomaalida ayaa soo xareeyay 18.5 bilyan oo Birr

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sanad-miisaaniyeedkan soo xareeyay dakhli dhan 18.5 bilyan oo Birr.
Madaxa Xafiiska Dakhliga Deegaanka, Mudane Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in la hirgeliyay tallaabooyin ballaaran oo kor loogu qaadayo awoodda ururinta dakhliga deegaanka.
Sanad-miisaaniyeedkan waxaa la qorsheeyay in la soo xareeyo 17.6 bilyan oo Birr, balse waxaa lasoo xareeyay 18.5 bilyan oo Birr, taas oo ka dhigan in 105% la dhaafay bartilmaameedkii la dejiyay.
Sidoo kale, marka la barbardhigo dakhliga sanad-miisaaniyeedkii 2016 T.I. (2023/24 G.C.), waxaa muuqata in uu jiro koror dhan 36.5%.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya