Lacagta Birta Itoobiya ayaa lagu daray lacagaha bangiyada dalka Ruushka - ENA Af-Soomaali
Lacagta Birta Itoobiya ayaa lagu daray lacagaha bangiyada dalka Ruushka

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Bangiga Dhexe ee Ruushka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu lacagta Itoobiya ee Birta ku daray liiska lacagaha qalaad ee uu aqoonsan yahay.
Tani waxay ka dhigan tahay in hadda kadib lacagta Birta itoobiya lagu beddelo/sarifto Ruble lacagta Ruushka, ama Ruble laga beddelo Birta.
Sidoo kale, Bangigu wuxuu qiimeeyay isla markaana go'aamiyay in 100 Bir oo Itoobiya ah ay u dhiganto 57.5872 Ruble lacagta rushka taasoo ka dhigan in 1 Bir uu yahay 0.575872 Ruble.
Bangigu wuxuu siiyay lacagta Birta koodhka lambar 230, wuxuuna sidoo kale maalin kasta shaacin doonaa isbeddelka qiimaha sarrifka.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya