Mashruuca Keydka Biyaha ee Magaalada Shiniile oo xadhiga laga jaray - ENA Af-Soomaali
Mashruuca Keydka Biyaha ee Magaalada Shiniile oo xadhiga laga jaray

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Waxaa si rasmi ah xadhigga looga jaray mashruuca kaydka biyaha ee magaalada Shiniile, kaas oo ka mid ah mashaariicda sanad-miisaaniyadeedka 2017 ka laga fuliyay magaalada Shiniile ee xarunta gobolka Siti, iyadoo ay si wadajir ah xadhiga uga jareen Gudoomiyaha gobolka Siti, Mudane Ibraahim Xuseen, Madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee gobolka, Mudane Sharma’arke Maxamuud iyo Gudoomiyaha degmada Shiniile, Mudane Jibriil Cumar.
Mashruucan oo dhismihiisu socday muddo afar bilood ah ayaa leh awood uu ku kaydin karo 150 mitir-Cube oo biyo ah, Waxaana ku baxday in ka badan 5.3 milyan oo Birr. Ujeedada mashruuca ayaa ah inuu wax ka qabto baahida dhanka waraabka iyo helitaanka biyaha nadiifta ah ee ka jirtay magaalada Shiniile.
Qaar ka mid ah waxgaradka kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa si weyn usoo dhaweeyay, iyagoo tilmaamay inuu yahay xalka bilowga u ah dhibaatadii biyaha ee muddada dheer magaalada ka jirtay.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya