Midowga Afrika waxa uu ku boorinayaa wadamada xubnaha ka ah inay dhaqan galiyaan xeerarka lagu fulinayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda - ENA Af-Soomaali
Midowga Afrika waxa uu ku boorinayaa wadamada xubnaha ka ah inay dhaqan galiyaan xeerarka lagu fulinayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda

Addis Ababa; Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Midowga Afrika ayaa ku booriyay dalalka xubnaha ka ah inay ansixiyaan oo ay dhaqan galiyaan xeerarka dhaqangelinta ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda.
Magaalada Malabo ee dalka Ikuwatoriyal Gini waxaa maanta ka furmay shirkii caadiga ahaa ee 47-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika.
Kalfadhiga ayaa waxaa lagu qabtaa hal-ku-dhegga “Cadaaladda magdhowda Afrikaanka iyo Dadka Afrika u dhashay”.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee Kalfadhiga uu yahay Miisaaniyadda 2026-ka ee Midowga Afrika.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in inkastoo shaqada is-maalgelinta miisaaniyada barnaamijka Ururka ay muujisay horumar, haddana wax badan ayaa dhiman yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2016-kii, dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa qaatay go’aanka Kigali, kaasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda dhaqaale ee Qaaradda, iyadoo lagu soo rogayo canshuur dhan 0.2% badeecadaha la soo xulayo ee soo galaya Afrika, balse ma fulin illaa heerkii loo baahnaa.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in 17 ka mid ah wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay fulinayaan heshiiskaasi, waxa uuna kula dar daarmay in ay ku dadaalaan sidii loo xaqiijin lahaa madax banaanida dhaqaale ee Midowga Afrika.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xasillooni darrada siyaasadeed, xasaradaha bini’aadantinimo iyo dhibaatooyinka amni ee qaaradda oo ay ku jiraan Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Soomaaliya iyo gobolka Saaxil, ay sii wadaan in ay hor istaagaan guul laga gaarayo qorshaha horumarinta Afrika.
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wajahaya dhibaato dhaqaale oo u baahan in si gaar ah isha loogu hayo.
Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, waxa uu soo xigtay heshiiska u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo Ruwanda, Gabon ku soo noqoshada nidaamka dastuuriga ah, iyo qorshaha kala guurka ee Gini sida horumarro rajo leh.
Guddiga Midowga Afrika wuxuu sii wadi doonaa taageerada dadaallada nabadeed isagoo xoojinaya wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin bulshooyinka dhaqaalaha gobolka, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga, iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Ururka in ay dardargeliyaan dib u habeynta hay’adaha dowladda, ayna kaalintooda ka qaataan is-dhexgalka gobolka, si ay u ansixiyaan, una hirgeliyaan Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), sida lagu sheegay xogta ay heshay hay’adda.
Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa socon doona ilaa berri.
Shir sannadeedka 7-aad ee Ururka waxa laqaban doonaa Afagaal/Hamle 7, 2017 T.I,.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya