In ka badan 6 bilyan oo Birr oo dakhli ah ayaa la ururiyey deegaanka Canfarta - ENA Af-Soomaali
In ka badan 6 bilyan oo Birr oo dakhli ah ayaa la ururiyey deegaanka Canfarta

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 3/2017 (ENA): Deegaanka Canfarta ayaa ku guuleystay inuu ururiyo 6 bilyan, 40 milyan, 398 kun, 943 Birr sanad-miisaaniyeedkii dhammaaday ee 2017T.I, inkastoo horay loo qorsheeyay in la ururiyo 5.5 bilyan oo Birr, sida uu shaaciyay Xafiiska Dakhliga ee deegaanka.
Madaxa Xafiiska Dakhliga, Awal Cabdu, ayaa sheegay in marka la barbar dhigo sanadkii hore, dakhliga uu kor u kacay 1.9 bilyan oo Birr, taasoo u dhiganta 46% kobac.
Waxa uu xusay in dakhliga la helay uu ka yimid ilo kala duwan sida: Canshuurta tooska ah, Canshuuraha aan tooska ahayn, iyo ilo kale oo dakhliga ah oo aan la canshuurin si toos ah.
Sidoo kale, intii lagu jiray sanad-miisaaniyeedkii la soo dhaafay, tallaabo sharciyeed iyo maamulka la xiriirta ayaa laga qaaday in ka badan 1,000 cashuur-bixiyeyaal oo si sharci-darro ah uga baaqday bixinta canshuuraha.
Mas’uulka ayaa intaas ku daray in sanad-miisaaniyeedka cusub diiradda la saari doono sidii si buuxda loola jaanqaadi lahaa awoodda ballaaran ee deegaanka, loona ururin lahaa dakhli ka tarjumaya kartidiisa dhaqaale.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya