Buundada Af iyo Gacan iyo jidka jayga ee isku xidha degmooyinka Garbo ilaa Xaraarey oo heer gebo'gebo ah maraysa - ENA Af-Soomaali
Buundada Af iyo Gacan iyo jidka jayga ee isku xidha degmooyinka Garbo ilaa Xaraarey oo heer gebo'gebo ah maraysa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 3/2017 (ENA): Buundada Af iyo Gacan oo isku xidha gobollada Jarar iyo Nogob, dherar ahaana dhan 90 mitir, ayaa haatan maraysa heer dhamaystir ah. Buundadan ayaa noqon doonta mid bulshada ka haqabtirta caqabadihii ay kala kulmi jireen togga Faafan, kaasoo horay u carqaladayn jiray isku socodka bulshada iyo ganacsiga.
Dhanka kale, Maareeyaha Mashruuca LLRP, Mudane Mukhtaar Cabdi, oo ay wehelinayeen masuuliyiinta degmooyinka Garbo iyo Xaraarey, ayaa kormeer indho indhayn ah kusoo sameeyay jidka jayga ee isku xidha labadaasi degmo, kaasoo dherarkiisu dhan yahay 55 km. Jidkan ayaa hadda u adeegaya sidii loogu talogalay. Maamulka labada degmo ayaa si weyn u bogaadiyay mashruuca dhismaha jidkan.
Ugu dambayn, Maareeyaha Mashruuca LLRP, Mudane. Mukhtaar Cabdi, ayaa xusay in mashruucyadan ay wax weyn ka beddeli doonaan hab-nololeedka bulshada ku dhaqan goobaha laga hirgeliyay, iyagoo kor u qaadaya isku xidhnaanta bulsho iyo horumarka dhaqaalaha.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya