Xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Saambiya ayaa sii xoogeysanaya dhanka iskaashiga dhinacyo badan – Danjire Roosa Saakaalaa - ENA Af-Soomaali
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Saambiya ayaa sii xoogeysanaya dhanka iskaashiga dhinacyo badan – Danjire Roosa Saakaalaa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 3/2017 (ENA): Danjiraha Saambiya u fadhiya Itoobiya, Danjire Roosa Saakaalaa, ayaa sheegtay in xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Saambiya uu si weyn ugu sii fidayo dhinacyo badan oo iskaashi ah.
Intii ay waraysiga siineysay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), Danjire Saakaalaa waxay xustay in labada dal ay leeyihiin xiriir muddo dheer soo socday, kaasoo sii xoogaysanayay sannadba sannadka ka dambeeya.
Waxay sheegtay in tan iyo markii safaaradda Saambiya laga furay Itoobiya, iskaashiga labada dhinac uu si isdaba joog ah u kobcayay, iyadoo la hirgelinayo mashaariic kala duwan oo iskaashi.
Danjiraha ayaa xustay in labada dowladood ay sanadkii 2017 si rasmi ah u aas-aaseen guddiga wadajirka ah, taasoo horseeday fursado badan oo la iska kaashado.
Waxay tilmaamtay in labada dal ay leeyihiin awoodo waaweyn oo la is dhaafsan karo, ayna bilaabeen abaabulka ganacsatada iyo la-hawlgalayaasha kale si loo sii xoojiyo xiriirka.
Guddiga wadajirka ah ayaa ka shaqeynaya kobcinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaar ahaan dhanka beeraha iyo gaadiidka cirka.
Danjire Roosa Saakaalaa waxay sheegtay in Saambiya ay door muuqda ka ciyaartay xoojinta midnimada Afrika iyo isku dubbaridka ajendayaal qaran oo Afrika ah, iyada oo ka qeyb qaadanaysa shirar kala duwan oo heer gobol iyo qaaradeedba ah.
Waxay carrabka ku dhufatay in maqnaanshaha wakiilnimo rasmi ah oo Afrika ku yeelato Qaramada Midoobay uu yahay cadaaladd-daro aan la aqbali karin.
Waxay sidoo kale sheegtay in Saambiya ay kaalin muuqata ka qaadatay dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro midnimo dhaqaale oo Afrika ah, iyadoo taageereysa mabda’a Pan-Africanism ee Midnimo Afrikaanimo oo sal u ah dadaalladaas.
Ugu dambeyntii, waxay sheegtay in Ajendaha Midowga Afrika ee 2063 uu yahay ajende dahabi ah oo siinaya Afrika fursado badan, ayna muhiim tahay in la hirgeliyo iyada oo loo marayo iskaashi buuxa.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya