Golaha Wakiilada Shacabka ayaa howlaha sharci dejinta, kormeerka iyo dabagalka u fuliyaa isagoo ku xoojinaya cilmi-baadhis iyo daraasad - ENA Af-Soomaali
Golaha Wakiilada Shacabka ayaa howlaha sharci dejinta, kormeerka iyo dabagalka u fuliyaa isagoo ku xoojinaya cilmi-baadhis iyo daraasad

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 2/2017 (ENA): Afhayeenka Golaha, Taageesse Jaafo, ayaa sheegay in shirweynaha shanaad ee sannadlaha ah ee cilmi-baarista baarlamaanka oo halkudheg u ah “Nidaam baarlamaan oo hufan oo qeyb ka ah horumarka waara ee ku saleysan aqoon iyo isla xisaabtan” uu si rasmi ah u furmay.
Afhayeenka ayaa sheegay in horumar waara iyo dhisidda saldhig adag oo dhaqaale aan suurtagal ku noqon karin la’aanta dhaqanka cilmi-baarista, taasoo muhiim u ah barwaaqo waarta iyo qorshe cad.
Sida uu sheegay, shirkan cilmi-baarista ah wuxuu door muhiim ah ku leeyahay dejinta siyaasadaha, sharciyada iyo howlaha baarlamaanka ee la xiriira kormeerka iyo dabagalka.
Waxaa intaa dheer, Golaha Wakiiladu wuxuu ku howlan yahay inuu hubiyo in howlaha sharci-dejinta, kormeerka, metelaadda shacabka iyo diblomaasiyadda baarlamaanka ay noqdaan kuwo ku saleysan cilmi-baaris iyo daraasad, si wax looga qabto cabashooyinka shacabka.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Golaha uu ku dadaalayo in cabashooyinka shacabka lagu baaro si cilmiyeed oo lagu daro sharciyada iyo siyaasadaha la dejinayo, si xal waara loo helo. Wuxuuna intaa raaciyay in iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha cilmi-baarista uu sii socon doono.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya