Barnaamijka Dhirbeerista ee Raadka Cagaaran ee Itoobiya waa isbeddel muuqda oo weyn – Dr. Ramis Alakbarof - ENA Af-Soomaali
Barnaamijka Dhirbeerista ee Raadka Cagaaran ee Itoobiya waa isbeddel muuqda oo weyn – Dr. Ramis Alakbarof

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 2/2017 (ENA): Dr. Ramis Alakbarof, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee Itoobiya, ayaa sheegay in barnaamijka dhir-beerista ee Itoobiya, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn caalamka, uu yahay isbeddel muuqda oo aad u weyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Taaye Asqasilaase, ayaa sagootin sharaf leh u sameeyey Dr. Ramis Alakbarof, oo dhammaystay muddadii shaqadiisa ee Qaramada Midoobay ee Itoobiya.
Madaxweynuhu wuxuu ammaanay iskaashiga wax-ku-oolka ahaa ee ka dhaxeeyey Qaramada Midoobay iyo Itoobiya intii uu xilka hayey Dr. Ramis, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan in iskaashigaasi uu sii socdo mustaqbalka.
Intii uu waraysi siinayey wakaaladda wararka ENA, Dr. Ramis Alakbarof wuxuu sheegay in labadii sano ee uu joogay Itoobiya uu arkay isbeddello cajiib ah oo la taaban karo. Wuxuu si gaar ah uga hadlay horumarka ka socda magaalooyinka iyo miyiga, isagoo xusay in ay la yaab ku noqotay sida ballaaran ee isbeddelka u socda.
Wuxuu si gaar ah u xusay mashruuca horumarinta waddooyinka isku xira magaalooyinka (corridor development project), kaasoo Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo goboleed si weyn u beddelay.
Dr. Ramis wuxuu kaloo muujiyey in barnaamijka cagaaran ee Itoobiya, oo ah dhir-beeris ballaaran, uu yahay mid aan caalamka laga helin, isagoo yiri: "Weligay ma arag dal malaayiin geed ku beera sanad walba."
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay si dhab ah uga go’antahay hirgelinta yoolalka horumarineed ee waara, isagoo tilmaamay in ay gaartay horumar la taaban karo.
Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyey in iskaashiga u dhexeeya Itoobiya iyo Qaramada Midoobay uu sii socon doono, isaga oo xusay in dhowaan ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ah lix bilyan oo doolar ah, kaasoo socon doona shanta sano ee soo socota, isla markaana gacan weyn ka geysan doona hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee waaweyn ee dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya