Dhirbeerista Barnaamijka Raadka Cagaaran ayaa si baaxad leh loogu beeray dalka

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 1/2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa sheegay in dhismaha waddanku uu suurtagal ku yahay oo keliya iskaashi iyo ka-qaybgal dadweyne oo mideysan, isagoo xusay in dhammaan muwaadiniinta laga filayo in ay door mug leh ka qaataan barnaamijka cagaaran ee dhir-beerista.

Barnaamijka dhir-beerista ee sannadka 2017 T.I. oo halkudheg looga dhigay "Ilaalinta Dhulka iyada oo la tallaalayo", ayaa si rasmi ah loo daahfuray 20-ka bisha Agaali 2017 waxaana horkacay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Waxaa barnaamijka ka qaybgalay saraakiisha sare ee Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta, iyo hay’adaha kale ee khuseeya, sidoo kale khubaro iyo masuuliyiin ka socday maamulka ilaalinta deegaanka ee magaalada Addis Ababa. Dhammaan waxay maanta ka qaybgaleen dhir-beeris lagu qabtay Beerta Entoto.

Intii uu halkaas ka hadlayay, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka lagu dhisi karo oo keliya ka-qaybgal dadweyne oo mideysan, isagoo xusay in guusha laga gaaray barnaamijka dhir-beerista ay tusaale u tahay sida shacabka Itoobiya ugu heellan yihiin dhismaha qarankooda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sannadadii hore lagu guuleystay in dhirta lagu beddelo deegaannada ay dhibaatadu ka jirto, taasoo wax weyn ka tartay in Itoobiya ay sumcad ka hesho bulshada caalamka.

Waxa uu xusay in heerka sare ee ka-qaybgalka dadweynuhu uu ahaa sababta guusha barnaamijka raadka cagaaran.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015