Miisaaniyaddeenna guud waxay diiradda saaraysaa yareynta saboolnimada – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Miisaaniyaddeenna guud waxay diiradda saaraysaa yareynta saboolnimada – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Miisaaniyaddeennu guud ahaan waxay diiradda saartay sidii saboolnimada loo yarayn lahaa, wixii ka soo haraa waxaa loo adeegsadaa bixinta deymaha iyo waxyaabaha degdegga ah ee u baahan gargaar, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.
Isagoo sharraxaya wuxuu sheegay in miisaaniyadda inta badan loo qoondeeyay sidii saboolnimada hoos loogu dhigi lahaa, inta ka dhimanse loo adeegsanayo bixinta deymaha iyo waxyaabaha muhiimka ah ee u baahan taageero degdeg ah.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in inta badan dhaqaalihii la helo lagu bixiyo deymaha iyo kharashaadka la midka ah, sidaas darteed inkastoo koror yar uu ka jiro miisaaniyadda dhismaha dalka, haddana waxa uu xusay in kororku aanu weynayn.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay: “Mar walba waxaan ka cabannaa sicir-barar, mushahar yari iyo dhibaatooyin kale, markaa haddii aan wax walba ku kharash garaynno horumar la’aan, mushkiladdu way sii kordhaysaa. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah inaan si xikmad leh u wajahno.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in horumarka la cabbiro marka la eego inta kiintaal ee wax-soo-saarku kordhay, iyadoo Itoobiya aysan horay uga jirin horumar tayo leh, balse hadda ay waddadu tahay horumar tayo leh oo muuqda.
Wuxuu intaa ku daray in haddii wax-soo-saarku muuqdo, dhaqaalaha Itoobiya sanadka soo socda uu gaari doono guulo la taaban karo.
Laakiin wuxuu carrabka ku adkeeyay in taasi lagu gaari karo oo keliya marka qof walba ka hawlgalo, dadweynaha la wacyi-geliyo, musuqmaasuqa la yareeyo, wax-soo-saarka la rumaysto, laga bilaabo heer hoose ilaa heer sare, isla markaana qof walba rumaysto in dhismaha Itoobiya masuuliyad guud tahay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday: "Itobiya way horumaraysaa; Itoobiya way dhismaysaa; Itoobiya waxay bixisaa deymaheeda iyo waajibaadkeeda. Itoobiya barwaaqo gaadhay ayaan uga tagaynaa carruurteenna."
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya