In ka badan 265 kun oo guryo ah ayaa Hadda laga Dhisayaa Dalka - ENA Af-Soomaali
In ka badan 265 kun oo guryo ah ayaa Hadda laga Dhisayaa Dalka

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in xilligan la joogo in ka badan 265,000 oo guryo lawado dhismahooda.
Isagoo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay Golaha Wakiilada, wuxuu carrabka ku dhuftay in dowladda isbeddelka ay si dhow uga shaqaynayso sidii loo xallin lahaa baahida guryaha ay shacabka qabaan.
Wuxuu sheegay in si wax looga qabto baahidaasi, mashruuca dhismaha guryaha uu socdo iyadoo lala kaashanayo: Dowladda, Qaybaha gaarka loo leeyahay, Iyo iskaashiga dowladda iyo ganacsatada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in shantii sano ee la soo dhaafay la dhisay ku dhowaad hal milyan oo guri, halka hadda ay socdaan dhismayaal ka badan 265,000 oo guri.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in xilligii jiilaalka lagu guuleystay in la dhiso in ka badan 100,000 oo guri oo deeq ahaan loo dhisay, isagoo tilmaamay in shaqadaasi si xoogan ay u socoto.
Shaqadan dhismaha kuma koobna magaalooyinka oo keliya, ee sidoo kale waxaa laga hirgelinayaa miyiga, iyadoo lagu bilaabay horumarinta “marinnada miyiga” si loo abuuro deegaan bilicsan, nadiif ah, oo la jaanqaadaya horumarka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya