4.5 Milyan oo fursado shaqo ah ayaa la abuuray – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
4.5 Milyan oo fursado shaqo ah ayaa la abuuray – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in sanadkan la abuuray fursado shaqo oo gaadhaya 4.5 milyan oo qof.
Waxa uu xusay in 1.8 milyan oo qof ay shaqo ka heleen dhanka beeraha oo dib-u-habeyn lagu sameeyay, 1.6 milyan ay shaqo ka heleen adeegyada, 680 kun ay ka heleen warshadaha, In ka badan nus milyan loo diray shaqo dibedda ah, In ka badan 60 kun ay ka heleen shaqo qaab fogaan ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in shaqooyinka dibadda iyo kuwa qaabka fogaanta ah ay yihiin kuwo casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha suuqa, balse weli loo baahan yahay shaqooyin dheeraad ah si loo daboolo baahida jirta.
Dhinaca kale, isagoo ka hadlaya musuqmaasuqa, wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya aysan lahayn nidaam rasmi ah oo musuq ah, isla markaana ay ku dadaalayaan in lacag kasta si toos ah loogu adeegsado shaqo wax tar leh.
Si kastaba, wuxuu qiray in ay jiraan dhibaatooyin la xiriira musuq gaar ahaan dhanka adeegyada, wuxuuna xalka ugu weyn ku sheegay in la sameeyo dib-u-habayn lagu sameeyo adeegyada rayidka.
Wuxuu sidoo kale faahfaahiyay in nidaamka adeegga halka goob ah laga bilaabay 8 hay’adood oo bixiya 41 adeeg, haatana la gaarsiiyay 23 hay’adood oo bixiya 124 adeegyo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dhammaadka bisha Kodxin ay xarumaha adeegga hal goob gaadhi doonaan in ka badan 17 goobood, ayna ku fidi doonaan dhamaan deegaannada iyo magaalada Addis Ababa iyo Diri Dhaba.
Ugu dambeyntii, isagoo ka hadlayay adeegyada dijitaalka ah, wuxuu tilmaamay in sida ay adeegyada u fidayaan ay sabab u tahay in musuqmaasuqa la xiriira adeegyada si tartiib tartiib ah uu u yaraanayo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya