Horumarinta Marrinadu waxay noo saamaxaysaa inaan in ka badan 60% hantideenna ka faa’iidaysanno – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in horumarinta marinnada ay tahay talaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo magaalooyinka Itoobiya iyo dhaqaalaha guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ka jawaabayay su’aalo kaga yimid xubnaha Golaha Wakiillada Shacabka ayaa tilmaamay in mashruuca horumarinta marinnadu yahay mid aan laga maarmin si loo kobciyo magaalooyinka.

Wuxuu xusay in magaalooyinka Itoobiya ay sameeyaan in ka badan 60% wax-soo-saarka guud ee dalka, hase yeeshee, haddii magaalo aysan si fiican u horumarin, hantidaas badan lama heli karo si looga faa’iideysto.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in in ka badan 50% dhaqaalaha Itoobiya uu ku urursan yahay Addis Ababa, sidaas darteedna, haddii aan la horumarin Addis Ababa, lagama faa’iideyn karo dhaqaalahaasi si dhab ah.

Wuxuu yiri: “Marka magaalo la kobciyo, waxa la kobciyay waa hantida qaranka.” Waxa kale oo uu xusay in wax kasta oo hadda laga qabtay Addis Ababa aysan sababin wax deyn ah, taasoo muujinaysa isku-tashi dhaqaale.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in magaalo kasta aysan is-beddelayn si fudud haddii aysan la imaan dakhli iyo is-beddel muuqda. Isagoo ka waramay xaaladdii hore ee Addis Ababa wuxuu yiri: “Marka aan hadda eegno, waa la yaab leh in la fahmo sida aan horey ugu noolayn qashinka dhexdiisa.”

Wuxuu sheegay in dad badan ay doonayaan inay iyagu ka fogaadaan qashinka, halka dadka kale ee shacabka ahna ay ka dhaadhiciyeen inay ku noolaadaan qashinka dhexdiisa, taasina aanay cadaalad ahayn.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in is-beddelka ka dhacay Addis Ababa ay tahay in lagu dabaqo magaalooyin kale sida Jigjuga, Jimma, Goondhar iyo Baahir Dhaar, si horumar ballaaran looga gaaro guud ahaan dalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015