Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ma jiro wax ka hor istaagi kara in la xadhigjaro – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ma jiro wax ka hor istaagi kara in la xadhigjaro – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in aanay jirin wax hor istaagi kara in la xadhigjaro in Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya taasoo bisha kodxin la xadhigjari doono.
Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka bixinayay waxqabadka qorshaha dowladda ee sanadka 2017 (TI) kana jawaabayay su’aalihii xubnaha Golaha Shacabka ayaa arrintan si cad u sheegay.
Wuxuu xusay in dhismaha biyo-xireenka la dhammeeyay, wax harayna aanay jirin, wuxuuna yiri: “Waan xadhigjaridoonaa. Dad ayaa laga yaabaa inay yiraahdaan 'biyo-xireenka yaan la xadhigjarin' laakiin hadda ma jiro wax naga hor istaagi kara.”
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in la xadhigjari doono bisha kodxin ee soo socota.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya uusan wax dhibaato ah u geysanayn dalalka Masar iyo Suudaan, balse uu barako u yahay. Tusaale u soo qaatay biyo-xireenka Aswan ee Masar oo aanay xitaa hal litir biyo ah lumin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan doonayn waxyeello in ay gaarto dalalka hoos yimaada Webiga Abaay.
Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay wali diyaar u tahay wadahadal, iskaashi iyo xal waara oo lala gaaro dalalka Masar iyo Suudaan iyo guud ahaan dalalka kale ee gobolka.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad ugu baaqay dowladda Masar, dowladda Suudaan iyo dalalka kale ee saamaynta ay khusayso in ay ka qaybgalaan farxadda buuxinta ugu dambeysa ee biyo-xireenka ee dhici doonta bisha Kodxin.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya