Sannadkan, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa shaaciyay in Itoobiya ay soo booqdeen ku dhowaad 1.3 milyan oo dalxiisayaal ah oo ka yimid dibadda

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay intii lagu guda jiray kalfadhiga 42-aad ee caadiga ah ee Golaha Wakiillada Shacabka, halkaas oo uu uga jawaabayay su’aalihii ay xildhibaannadu weydiiyeen.

Dr. Abiy wuxuu sheegay in marka si nidaamsan loo maareeyo adeegyada, awoodda Itoobiya ee kor u qaadista dhaqaalaha ay aad u sarreyso. Sidoo kale, wuxuu xusay in sanadkan Itoobiya ay martigelisay in ka badan 150 shirar caalami ah, taasoo aad uga badan sidii hore.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in isbeddelka lagu sameeyay nidaamka socdaalka, adeegyada diyaaradaha, ballaarinta hoteellada iyo goobaha martida lagu soo dhaweeyo, horumarinta marin-u-helidda goobaha muhiimka ah, iyo shaqooyin kale ay door muhiim ah ka qaateen kororka tirada dalxiisayaasha.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay in sanadkan kaliya, 1.5 milyan oo qof ay booqdeen seerooyinka dalxiis ee Midnimada, Fagaaraha Saaxiibtinimada, Matxafka Sayniska, iyo xarunta cusub ee Qasriga Madaxtooyada Qaranka, taasoo keentay in laga helo dakhliga ka badan nus bilyan birr.

Sanadadii u dambeeyay, afartaas goobood waxaa guud ahaan booqday 13.5 milyan oo qof.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in horumarka laga sameeyay magaalada Addis Ababa uu si weyn u kordhiyay tirada dalxiisayaasha gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda.

Isagoo ku sifeeyay dalxiiska inuu yahay tiir muhiim ah oo ka mid ah adeegyada dhaqaalaha, ayuu xusay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo qeybta dalxiiska.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015