Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya waxay hal sano gudaheed ku daabushay in ka badan 19 milyan oo qof— Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya ay gudaha iyo dibaddaba sanadkan u kala daabushey dad ka badan 19 milyan.

Waxa uu xusay in ka hor isbeddelada la sameeyay, adeegyada shirkaddu ay ahaayeen kuwa aad uga hooseeya heerka ay maanta gaartay.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaa ku daray in sanadkan Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya ay iibsatay 13 diyaaradood oo dheeraad ah, taasoo ka dhigtay in tirada guud ee diyaaradaha shirkaddu hadda ay gaarto 180 diyaaradood oo si buuxda u shaqaynaya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in muddo hal sano ah lagu daray lix xarumood oo cusub, kuwaasoo lagu kordhiyay adeegyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee shirkaddu bixiso.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in shirkadu ay noqotay mid si cad u muujisay horumar muuqda.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015