Itoobiya ayaa Bixisay 92 Bilyan oo Birr oo deyn ah, iyadoo deyn cusub oo ganacsina aan la qaadan 7 Sano

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu bixiyay deyn dhan 92 bilyan oo Birr, iyadoo muddo 7 sano ah aan la qaadan wax deyn ganacsi ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in siyaasadda dowladda ee xagga deynta ay tahay mid taxaddar leh, loona dhigay istaraatiijiyad lagu yareynayo culayska daymaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in dadaalladaasi la sii wadi doono.

Sidoo kale, wuxuu xusay in wasaaradda maaliyaddu ay heshiis rasmi ah la saxiixatay dowladda Faransiiska si loo dhammeeyo geeddi-socodka dib-u-habaynta deymaha, taasoo qayb ka ahayd dadaallada madasha alabaadeynta deymaha caalamiga ah.

Heshiiskan ayaa Itoobiya u suurageliyay in la yareeyo culayska deyn dhan 3.5 bilyan oo doolar, taas oo ka timid deymaha dalal hore u siiyay dalka, sida uu caddeeyay Ra’iisul Wasaaruhu.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015