Awoodda wax-soo-saarka warshadaha Itoobiya ayaa gaartay 65% – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in awoodda wax-soo-saarka warshadaha dalka, oo hore u ahayd 59%, ay hadda kor u kacday oo gaartay 65%.

Wuxuu sheegay in hadda laga shaqeynayo sidii 12% oo koror ah loogu keeni lahaa qeybta warshadaha, iyadoo qorshe ballaaran la dejiyay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in ololaha “Itoobiya hasoo saarato” uu keenay horumar ballaaran oo dhinaca wax-soo-saarka ah, taasoo sababtay in awoodda wax-soo-saar ee warshadaha laga dhigo 65% lagana qaado 59%.

Waxa uu sheegay in kororkaasi uu ka yimid dadaal lagu xoojinayo isticmaalka buuxa ee awoodda warshadaha, iyadoo baahida koronto ee warshadaha sanadkan gaartay 40%.

Wuxuu ku tilmaamay horumarkaas mid weyn, isagoo sheegay in wax-soo-saarka sibidhka uu sare u kacay, sidoo kale warshadaha birta ay diiwaan geliyeen koboc gaaraya 18%.

Dr. Abiy ayaa intaas ku daray in la bilaabay dhismaha awood wax-soo-saar biraha ah oo dabooli karta baahida birta ee dalka oo dhan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in warshad soo saarta muraayadaha oo sanadkii soo saari doonta 600,000 oo tan ay haatan dhismaheedu socdaan, wuxuuna ku tilmaamay mid heer sare ah marka loo eego heerarka caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in bisha afaraad ama shanaad ee soo socota ay dhamaan doonaan dhismayaasha warshadaha soo saara baalayaasha qoraxda, iyadoo haatan la dhisayo.

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in dowladda ay si hagar la’aan ah ugu howlan tahay dadaallada lagu horumarinayo warshadaha dalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015