Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanad la diiwaangeliyey guulo waaweyn oo aan horay loogu arag taariikhda Itoobiya, isla markaana uu yahay xilli la taaban karo oo muujinaya dib-u-dhis iyo horumar weyn oo dalka ka dhacay.

Addis Ababa, Agaali/Sane 26/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u mahadceliyay shacabka Itoobiya, oo ay ku jiraan xubnaha Golaha Wakiillada Shacabka, doorkii ay ka qaateen guulahaas iyo sida ay u muujiyeen taageero ballaaran.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadalkan ka jeediyay kalafadhiga 42-aad ee caadiga ah ee Golaha Wakiillada Shacabka isagoo halkaas kaga jawaabayay su’aalaha xubnaha golaha ee la xiriiray hirgelinta qorshaha dowladda ee sannad miisaaniyadeedka 2017.

Isagoo sharaxaya dib-u-habaynta dhaqaalaha guud, waxa uu sheegay in siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo hay’adaha la beddelayo iyada oo aan la burburin jiritaanka, balse laga buuxinayo meeshii ay ka banaanayd si wax looga beddelo.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in dib-u-habaynta la sameynayo ay salka ku hayso: In wax laga qabto cilladaha dhaqaalaha guud ee dalka, In la dhiirrigeliyo kobaca gaarka loo leeyahay, In la abuuro deegaan shaqo oo wanaagsan, In la xalliyo wax-soo-saarka hoose ee ka jira qaybaha beeraha iyo warshadaha, In la dhiso dhaqaale tartan leh.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in marka la eego isbeddelka nidaamka ganacsiga caalamiga ah, Itoobiya ay u baahan tahay in ay eegto sida ay u hirgelin karto hababka ay ku guuleysan karto.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu iftiimiyay in gargaarka dibadda ee Afrika la siiyo uu hoos u dhacay ilaa 7%, islamarkaana ay u badan tahay in hoos u dhacaasi uu sii socdo.

Ugu dambeyn, waxa uu carabka ku adkeeyay in dib-u-habaynta ay tahay mid xisaabtan ku saleysan, taas oo ay Itoobiya ku tiirsanayso awooddeeda gudaha, taasoo horseedi karta in ay gaarto natiijooyin muuqda oo waara.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015