Kalafadhiga Golaha Wakiillada Shacabka oo uu ka qaybgalayo Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa haatan socda - ENA Af-Soomaali
Kalafadhiga Golaha Wakiillada Shacabka oo uu ka qaybgalayo Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa haatan socda

Qaar ka mid ah su’aalaha ay Xubnaha Golaha Wakiilladu u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah:
👉Itoobiya waxay fulisay tallaabo aad u layaab leh oo tusaale u noqon karta dunida, iyadoo la jaanqaadaysa qorshaha cagaaran ee horumar waara.
👉Dowladda isbeddelka waxay suurtagelisay in arrinta dekedaha ay miiska wada hadalka soo saarto. Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ay dowladda wado waa kuwo aad u xooggan. Sidaa darteed, sharaxaad bal nagasii arrinta dekedaha.
👉Mashruuca horumarinta marinada ee ka socda magaalooyinka ilaa miyiga ayaa ah mid si weyn u beddeli kara muuqaalka Itoobiya. Haddaba, sharaxaad nagasii heerka uu hadda mashruucan marayo.
👉Musuqmaasuqu waa halis weyn oo saameeya nabaddeenna iyo horumarka qaranka. Haddaba, maxay tahay istiraatiijiyadda dowladda ee arrintan la xiriirta?
👉Inkastoo dhaqaalaha dalka uu muujinayo koboc sare, haddana bulshada ayaa wali ku jirta xaalad nololeed oo liidata waxayna la tacaalayaan maciishada iyo nolosha oo qaali ah.
👉Waxaa jira dadaallo la sameeyey si shaqo loo abuuro oo gaar ahaan dhalinyarada la siiyo fursado shaqo. Hase yeeshee, waa in dadaalladaas si xooggan loo sii xoojiyo.
👉In carruurta qaar ee meelo kala duwan oo dalka ah waxbarashada ka baxay dib loogu celiyo fursadda waxbarasho, haddii dowladda ay qorshe cad ka leedahay, sharaxaad bal nagasii.
👉Gobollo kala duwan oo dalka ah waxaa ka jira dhibaatooyin amni, iyadoo kooxo hubeysan ay dhibaato ku hayaan dad shacab ah, isla markaana ay dileen dad aan waxba galabsan. Haddaba, xal waara waa in laga gaaro arrintan.
👉Qiimaha badeecadaha ayaa si joogto ah kor ugu kacaya, taas oo wiiqday awoodda wax iibsiga ee shacabka. Shaqaalaha dowladda ayaa ah kuwa si gaar ah u saameynaya. Maxay tahay tallaabada ay dowladda arrintan ka qaadatay?
👉Si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee la leeyahay wadamada deriska ah iyo in la isku xiro deegaannada dalka dhexdiisa, waa muhiim in la dhiso kaabayaal dhaqaale sida jidad degdeg ah. Maxay tahay aragtida dowladda ee arrintan?