Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa maanta sharraxaad iyo jawaabo ka bixin doona Barlamaanka.

Addis Ababa; Agaali/Sane 26/2017 (ENA):- Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa maanta hor iman doona shirka golaha wakiillada shacabka, waxaana uu sharaxaad iyo jawaabo ka bixin doonaa su’aalaha ay goluhu weydiin doonaan.

Golaha Wakiilada Shacabka ayaa maanta yeelanaya kalfadhigii 42-aad ee caadiga ahaa.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sharaxaad iyo jawaabo ka bixin doona kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee la xiriira waxqabadka qorshaha miisaaniyada dowladda ee sannadka 2017-ka.

Goluhu waxa uu sidoo kale ku tilmaamay xogta loo diray ENA in golaha laga sugayo in ay ansixiyaan Miisaaniyadda sanadka 2018-ka. 

Safiiro ka kala socda dalal kala duwan iyo wakiilo ka socda hay’adaha caalamiga ah, culumaa’udiin, shaqsiyaad caan ah iyo madaxda xisbiyada tartamaya ayaa goobjoog ka noqon doona kulanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015