Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa berri hortagi doona Golaha Wakiillada Shacabka si uu usoo jeediyo warbixinta waxqabadka xukuumada

Addis Ababa, Agaali/Sane 25/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu berrito oo  Khamiis ah, bisha Agaalu 26, sanadka 2017T.I., uu hortago Golaha Wakiillada Shacabka si uu usoo jeediyo warbixinta waxqabadka dowladda ee sanad miisaaniyaddeedkan 2017.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale Golaha uga jawaabi doonaa su’aalaha ay xubnaha Golaha Wakiilladu ka weydiin doonaan waxqabadka xukuumadda ee sanadka 2017 iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kalafadhigan ayay kasoo qeyb geli doonaan marti sharaf lagu casuumay oo ay ka mid yihiin danjirayaal ka socda wadamo kala duwan, wakiillo ka socda hay’ado caalami ah, hoggaamiyeyaasha diimaha, dad caan ah iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ee fadhigoodu yahay gudaha dalka.

Sidoo kale, waxa la filayaa in Golaha Wakiillada Shacabku ansixiyo miisaaniyadda ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka ee sanad miisaaniyaddeedka 2018 T.I.

Kulanka Golaha Wakiillada Shacabka ee 6-aad, sanad shaqeedkiisa afraad, waxa uu dhacayaa berrito Khamiis, Agaali 26, laga bilaabo 2:30 subaxnimo.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015