In ka badan 25 magaalo, aqoonsiga Qaran ee casriga ah ee Fayda ayaa qasab noqon doona furashada koonto bangi oo cusub

Addis Ababa, Agaali/Sane 24/2017 (ENA): Xafiiska Barnaamijka Aqoonsiga Qaranka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in aqoonsiga Qaran ee Casriga ah ee Fayda uu noqday shuruud lagama maarmaan u ah si qof loogu furo xisaab bangi cusub 25 magaalo oo ku yaalla dalka laga bilaabo 24-ka Agaali 2017 T.I.

Abeenaser Feleqa, Agaasimaha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee xafiiska, ayaa sheegay in laga bilaabo taariikhdaas wixii ka dambeeya, qofkasta oo raba in uu xisaab bangi cusub ka furto magaalooyinkaasi, ay qasab ku noqonayso in uu haysto aqoonsiga Fayda, taasoo noqotay shardi hordhac ah.

Wuxuu sheegay in nidaamkani uu hadda si rasmi ah uga hirgalay dhammaan bangiyada dalka. 

Wuxuu intaa ku daray in nidaamkani si tartiib tartiib ah loogu ballaarin doono magaalooyinka kale ee dowlad-deegaannada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in nidaam cusub lagu xirinayo lambarka koontada bangiyada dadka horey u lahaa koontooyin, iyo aqoonsigooda Fayda, si xogtoodu u noqoto mid isku xiran.

Sida uu sheegay Agaasimaha, in ka badan 18 milyan oo qof ayaa horey u noqday dad isticmaala aqoonsiga dhijitaalka ah ee Fayda. Waxa uu sidoo kale xusay in laba sano ee soo socda, in ka badan 70 milyan oo qof la doonayo in la diiwaan geliyo, iyadoo in ka badan 1,000 xarumood oo diiwaangelin ah laga hirgelinayo guud ahaan dalka.

Qof kasta oo wata dukumeenti muujinaya aqoonsigiisa sharci ah, waxa uu iska diiwaan gelin karaa xarumaha ugu dhow ee Itiyo Telekom ama xafiisyada dakhliga.

Aqoonsiga Fayda waa aqoonsi dhijitaal ah oo qof walba ka dhiga mid gaar ah, islamarkaana suurtagal ka dhigaya in qof kasta uu si sharci ah u noqdo mulkiilaha aqoonsi casri ah, meel kasta oo uu joogo gudaha dalka. Aqoonsigani ma ahan mid keliya u gaar ah muwaadiniinta Itoobiya balse waxaa sidoo kale heli kara muwaadiniinta ajnabiga ah ee sharciga ku deggan dalka, ama haysta rukhsad shaqo.

Ugu dambayntii, aqoonsigan qaran ayaa ah mid si buuxda loogu adeegsan karo dhammaan adeegyada gudaha dalka.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015