Waxqabadka Ra'iisul Wasaaraha ee Bishii Juun 2025 - ENA Af-Soomaali
Waxqabadka Ra'iisul Wasaaraha ee Bishii Juun 2025

Bishii Juun 2025, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa hormuud u ahaa dhowr hawlgal oo saameyn weyn leh, kuwaas oo muujinaya sida dawladdiisu uga go’an tahay in ay horumariso isbeddelka dhaqaalaha, hal-abuurka tiknoolajiyadda, diblomaasiyadda istaraatiijiga ah, iyo horumarka waara ee qaranka. Intii lagu guda jiray bishan, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale la yeeshay wadatashi ballaaran daneeyeyaasha muhiimka ah si kor loogu qaado dhaqanka doodaha wax dhisaya iyo wada hadalka siyaasadeed ee dimoqraadiga ah. Si gaar ah, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wadajir ah Madaxweyne ku-xigeenka Nigeria Kashim Shettima, mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta—si rasmi ah u furay Barnaamijka Sanadlaha ah ee Hindisaha Raadka Cagaaran, taasoo mar kale muujinaysa doorka hogaamineed ee Itoobiya ku leedahay dhaqaalaha adkaysiga cimilada.
Maalmaha hore ee bisha Juun 2025, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa abaal-marinta ugu sarraysa ee Dawladda Itoobiya — Ethiopia Special Order — ku guddoonsiiyey Mr. Bill Gates xaflad ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Qaranka. Abaalmarintan la qadariyo waxa uu ku mutaystay saameynta qoto dheer ee hay’adda Gates ay ku yeelatay Itoobiya 25-kii sano ee la soo dhaafay. Waxqabadka hay’adda ee dhinacyada caafimaadka, beeraha, aqoonsiga dhijitaalka ah, iyo hal-abuurka ayaa la xusay, iyo sidoo kale iskaashiga xushmada leh ee ay la leedahay Itoobiya.
Hindisaha horumarinta marrinada Miyiga oo loo dajiyay in lagu horumariyo nolosha bulshada miyiga ayaa hadda loo ballaariyay dalka oo dhan. Bishii Juun, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dhagax-dhigay dhismaha tuulooyin tusaale u ah horumarka, kuwaas oo laga hirgelinayo gobollo kala duwan oo ka tirsan Deegaanka Bartamaha Itoobiya. Tuulooyinkan la dhisayo, waxaa loo sameeyay in ay beeraleydu ku helaan nolol caafimaad leh oo wanaagsan. Deegaanada ku xeeran ayaa isbedel weyn ku socda, iyadoo kumannaan hektar lagu daray waraabka, abuurka galleyda ee wax-soosaarka sare leh la tarayo, khudaarta iyo mirahana si buuxda loo beerayo—taasoo gobol horey u dhibbanayd biyo-xireen iyo abaar ah ka dhigtay astaan horumarineed oo adkaysi cimiladeed leh.
Qodobka muhiimka ah oo dhacay bishii Juun wuxuu ahaa wareysi afara qeybood ka kooban oo dheer oo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu siiyay Telefishinka Itoobiya, isagoo dib u milicsaday safarka Itoobiya toddobadii sano ee la soo dhaafay. Wareysigan ballaaran ayuu kaga hadlay guulaha iyo caqabadaha ka jira waaxyaha kala duwan, isagoo caddeeyay aragtidiisa ku aaddan kobaca dalka, nabadda waarta, iyo barwaaqada.
Iyadoo qayb ka ah hawlihiisa diblomaasiyadeed ee bisha Juun 2025, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu marti-geliyay ganacsadaha reer Nigeria Aliko Dangote, waxayna yeesheen wadahadal heer sare ah oo ku saabsanaa fursadaha maalgashi ee la jaanqaadaya mudnaanta horumarka Itoobiya. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu muujiyay rajo ku aaddan iskaashi sii qoto dheeraan doona. Sidoo kale, wuxuu la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda ee Mareykanka iyo AFRICOM, Jeneral Mikaaeel Langley, iyagoo ka wada hadlay arrimaha labada dhinac iyo gobolka ee danaha wadajirka ah.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu sidoo kale kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Caalamiga ee Tamarta Atomeedka (IAEA), Rafael Mariano Grossi. Taageerada IAEA ee Itoobiya waxay dabooshaa qaybo badan oo ay ka mid yihiin daryeelka kansarka, caafimaadka xoolaha, ciribtirka gooryaanka, injineerniyada nukliyeerka, iyo nidaamka sharci dejinta. Sidaas darteed, labada dhinac waxay ka wadahadleen taageerada socda iyo fursadaha iskaashiga mustaqbalka.
Dadaallada lagu xoojinayo doodda siyaasadeed iyo wadahadalka dhisaya ee gudaha dalka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu wadatashi la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada bishii Juun. Kuwaas waxaa ka mid ahaa madaxda xisbiyada mucaaradka, aqoonyahannada, fanka iyo dhaqanka, macallimiinta, wariyeyaasha, howl-wadeennada caafimaadka, iyo qaybaha kale ee bulshada. Wadahadallada waxaa diiradda lagu saaray helidda fursado iyo horumar, iyo sidii loo xallin lahaa caqabadaha jira.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah diiradda u saaray horumarinta tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka dalka. Taasi darteed, furitaanka rasmiga ah ee qeybta joogtada ah ee Bandhigga Sayniska ee Matxafka Sayniska ayaa dhacay iyadoo uu goob joog ka ahaa. Bandhiggan cusub waxa uu ka kooban yahay shan qaybood oo qoto dheer oo ku saabsan Garaadka Macmalka ah, isbeddelka cimilada iyo jawaabta Itoobiya, beeraha, korontada biyaha laga dhaliyo, hawada iyo duulista — kuwaas oo muujinaya sida dalka uu uga go’an yahay in uu sayniska iyo tiknoolajiyadda u adeegsado horumarinta. Waxa kale oo la daah-furay xarunta xiddigaha ugu horreeya noociisa oo leh miisaan dhulka ka badan 1,000 mitir oo laba jibbaaran iyo dhexroor dhan 36 mitir, lehna qalab casri ah oo 4K ah, waxaana hal mar daawan kara in ka badan 200 oo qof. Waxay si qurux badan u soo bandhigtaa muuqaal muuqaal sare leh oo meel fog inoo soo dhoweynaya.
Dhinaca deegaanka, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu si rasmi ah u furay Hindisaha Raadka Cagaaran ee sannadkan bishii Juun oo halku-dhigg looga dhigay “Soo-nooleyn iyada oo wax la beero.” Barnaamijkan qaranka ee hormuudka ah waxa uu astaan u yahay dadaalka Itoobiya ay ugu jirto dib-u-habeynta deegaanka, adkaysiga cimilada, iyo horumar waara.
Guud ahaan, bishii Juun waxay ahayd bil firfircoon oo uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sameeyay talaabooyin muhiim ah oo dhinacyo badan leh—siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, deegaan, iyo tiknoolajiyadeed. Dadaalladan ballaaran waxay hore u sii wadeen ajandaha horumarka qaranka ee Itoobiya waxayna xoojiyeen doorka ay ku leedahay masraxa caalamka.
#XafiiskaRa’iisulWasaarahaItoobiya