Si loo dhiso Itoobiya kobocday, waa in la xoojiyo midnimada qoomiyadaha – Mudane Aadan Faarax - ENA Af-Soomaali
Si loo dhiso Itoobiya kobocday, waa in la xoojiyo midnimada qoomiyadaha – Mudane Aadan Faarax

Addis Ababa, Agaali/Sane 24/2017 (ENA): Mudane Aadan Faarax, oo ah Ra'iusul Wasaare Kuxigeenka Itoobiya iyo Maxaxa Xarunta Isuduwidda Dhismaha Nudaamka Dimuqraadiyadda, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo , ayaa sheegay in si loo gaaro horumar xooggan oo ballaaran, loo baahan yahay in si dhab ah loo maareeyo kala-duwanaanshaha qoomiyadaha lagana shaqeeyo xoojinta midnimada ummadda.
Waxaa socda shirweyne looga hadlayo nabadda, midnimada iyo horumarka shacabka deegaanka Koonfurta Itoobiya.
Mudane Aadan Faarax oo ka hadlay madasha shirka ayaa sheegay in deegaankaasi uu yahay tusaale muuqda oo muujinaya quruxda kala-duwanaanshaha qowmiyadaha dalka, isla markaana uu si taxaddar leh oo sharciyaysan hoggaan ay ugu heleen shacabka deegaankaas, taas oo suurtagelisay in si degdeg ah loo bilaabo waxqabadka horumarineed.
Waxa uu sidoo kale xusay in deegaanka Koonfureed uu leeyahay taariikh fac weyn, dhaqan hodan ah iyo kheyraad dabiici ah, kuwaasoo haddii si habboon loo maareeyo, uu deegaankaasi noqon karo tusaale guul ah oo u adeega guud ahaan dalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhulka barwaaqada ah, kheyraadka dabiiciga ah iyo shacabka dulqaadka badan ay yihiin tiirarka horumarka.
Mudane Aadan wuxuu tilmaamay in dadaalka la sameeyay ee lagu guulaystay ka faa’iidaysiga awoodda deegaanka ay keentay in guulo laga gaaro hawlaha siyaasadeed, iyadoo la abaabulay hay’adihii deegaanka, lana hawlgeliyay, islamarkaana la bilaabay hawlo horseedaya firfircoonida shacabka iyo mideynta hoggaaminta.
Wuxuu xusay in guulo laga gaaray xagga wax-soo-saarka beeraha, abuurista fursado shaqo, iyo kordhinta dakhliga, taasoo ka turjumaysa waxqabad la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in laga shaqeeyay dhismaha waddooyin muhiim ah oo kobcinaya isku xirka deegaanka, si loo hormariyo kobaca kaabayaal dhaqaale. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in awoodda weyn ee deegaanka aanan wali si buuxda looga faa’iidaysan, taasoo sababteedu tahay hay’ado aan dhisnayn, kala qeybsanaan hogaamineed, dhaqdhaqaaqyo aan habboonayn, iyo kalsooni-darro ka dhex jirta bulshada.
Wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in la bilaabo burinta qodobadaas khaldan si loo helo madallo is-afgarad lagu dhisayo oo dhex-mara daneeyayaasha kala duwan.
Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in deegaanka Koonfurta Itoobiya uu yahay kan ugu badan marka la eego tirada qowmiyadaha kuwaasoo ka kooban 32 qowmiyadood, sidaas darteedna looga baahan yahay inuu noqdo deegaanku hormuudka muujinta is-dhexgalka bulshooyinka iyo xoojinta midnimada qaran.
Waxa uu xusay in falsafadda is-dhexgalka iyo midnimada labada dhinac ay saldhig u tahay horumar waara oo loo dhan yahay.
Ugu dambayntii, wuxuu sidoo kale ku cel-celiyay in loo baahan yahay in si dhab ah oo macno leh loo aqbalo loona maareeyo kala-duwanaanta qowmiyadaha dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya