Hindisaha Dhijitaal Itoobiya 2025 waxay soo saartay natiijooyin aad u wanaagsan dhinica nidaamka dhijitaalka ah - Belete Mola (Dr.)

Addis Ababa; Agaali/Sane 24/2017 (ENA): Hindisaha Dhijitaal Itoobiya 2025, oo la hirgeliyey shantii sano ee la soo dhaafay, waxa ay keentay natiijada nidaamka digital, ayuu yiri Wasiirka halabuurka iyo teknoolojiyadda Belete Mola (Dr.).

Sida uu sheegay wasiirku, waraysi uu siiyay ENA, horumarka baaxadda leh ee dalka waxa lagu xaqiijin karaa marka nidaamka hawlgalka lagu taageero sayniska, tignoolajiyada iyo hal-abuurka. 

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay sidoo kale bilowday in ay ka shaqeyso diyaarinta qaab-dhismeedka sharciga iyo istaraatiijiyad u sahlaysa in ay gasho nidaamka dhijitaalka ah.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in la dhamaystiray kaabayaashii u sahli lahaa in uu nidaamka dhijitaalka ah galo oo la hirgaliyo. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in istaraatiijiyaddan loo fulinayo si waafaqsan dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo istaraatijiyadaha qorshaha horumarinta guud ee 10-ka sano, iyo sidoo kale Istaraatijiyadda Isbeddelka dhijitaal Afrika.

Waxa uu sheegay in Istaraatiijiyadda dhijitaal Itoobiya 2025, oo la hirgeliyay sanadihii u dambeeyay, ay ku dhammayn doonto muddo bil gudaheed ah, isla markaana la diyaarinayo istiraatijiyad 5 sano ah oo la fulinayo illaa 2030-ka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Istaraatiijiyadda dhijitaal Itoobiya 2025, oo la hirgeliyay shantii sano ee la soo dhaafay, ay natiijooyin wanaagsan ka gaartay dhinacyada sayniska, tignoolajiyada iyo hal-abuurka.

Waxa uu xusay in shantii sano ee la soo dhaafay la qabtay shaqo wax ku ool ah oo ku saabsan hirgelinta nidaamka lacag-bixinta dhijitaalka ah, ballaarinta adeegyada dhijitaalka ah, iyo ka dhigista aqoonsiga dhijitaalka ah oo la heli karo. 

Waxa uu sheegay in Xarunta Adeegga goob ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada ay ka mid tahay hawlaha lagu guulaystay ee lagu xaqiijinayo Digital itoobiya 2025 ee la xidhiidha casriyaynta nidaamka shaqo ee dawladda.

Waxa uu shaaca ka qaaday in xaruntu ay bixiso adeegyo iyadoo la isku xirayo adeegyada kala duwan ee dowladda iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in adeega hal mar ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ay ku baahineyso Magaalooyinka deegaannada si ay uga faa’ideystaan ​​adeegaasi.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015