Hogaamiyayaasha dhalinyaradu waa kuwa beddeleya mustaqbalka gobolka - Worqineh Gabayehu

Addis Ababa; Agaali/Sane 24/2017 ( ENA): Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Worqineh Gebeyehu (Dr.) ayaa sheegay in hogaamiyayaasha dhalinyarada ay awood u leeyihiin inay wax ka bedelaan mustaqbalka gobolka iyagoo bedelaya qaab-dhismeedka dhaqanka ee gobolka.

Xoghayaha guud ayaa maanta tababarkii ugu horeeyay ee dhalinyarada ee horumarinta hogaaminta ka furay xarunta akadeemiyada hogaanka IGAD ee magaalada Mombasa ee dalka Kiinya.

Xoghaye Worqneh Gebeyehu (Dr.) ayaa sheegay in akadeemiyadu ay door muhiim ah ka ciyaarto xoojinta iskaashiga iyo isku xirka gobolka, taasoo IGAD ay ku dadaaleyso sidii ay ku waafiqi lahayd aragtideeda ugu muhiimsan.

Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimada ay leedahay in la awood siiyo hogaamiyayaasha dhalinyarada, isagoo sheegay in hogaamiyayaasha dhalinyarada ay yihiin kuwa mustaqbalka gobolka bedeli doona. 


 

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada in ay u kacaan hogaamiyayaal go’aan qaadasho leh, si ay ugu dadaalaan sidii ay hadafkooda u gaari lahaayeen, una adeegaan si daacad ah, iyadoo aan loo eegin caqabadaha jira. 

Xoghayaha Guud ayaa u mahadceliyey Dowladaha xubnaha ka ah iyo saaxiibada horumarinta taageeradooda si loo gaaro hiigsiga Akadeemiyada Hogaaminta IGAD.

Akadeemiyada hoggaanka IGAD waxaa lagu dhisay go’aan ka soo baxay shir madaxeedka IGAD ee 2022-ka.

Akadeemiyadu waxay diiradda saartaa abuurista hoggaamiyeyaal dhallinyaro xirfad leh kuwaas oo awood u leh inay fahmaan oo ay gaaraan go'aamo wax ku ool ah arrimaha sida degdegga ah isu beddelaya ee gobolka iyo Afrika.

 #Itoobiya 
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015