Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ayaa si rasmi ah uga furmay guud ahaan Dalka iyo Deegaanka - ENA Af-Soomaali
Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ayaa si rasmi ah uga furmay guud ahaan Dalka iyo Deegaanka
Addis Ababa, Agaali/Sane 23/2017 (ENA): Tirada ardayda Deegaanka Soomaalida ee sannad dugsiyeedkan 2017 T.I u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ayaa tiradoodu dhan tahay 16,779 arday, oo isugu jira cilmiga dabiiciga ah iyo cilmiga bulshada.
Ardayda deegaanka ayaa imtixaanka ku kala galaya Jaamacadaha Jigjiga, Qabridahar, Diri Dhaba iyo jaamacadaha kale ee deegaanka dariska la ah.
Furitaankii imtixaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibrahin Cusmaan, Madaxa Xafiiska Waxbarashada DDS, Mudane Maxammed Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Jaamacadda Jigjiga Bashiir Cabdullaahi (PhD).
Madaxa Xafiiska Waxbarashada DDS, Mudane Maxamed Sheekh Aadan, ayaa sheegay in sanadkan ay jireen daddaallo dheeri ah oo dhinaca waxbarashada ah, xoogana la saaray tayeynta waxbarashada, wuxuuna ardayda u rajeeyay inay keenaan natiijo wanaagsan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya