Barnaamijka Raadka Cagaaran wuxuu si weyn uga qayb qaadanayaa dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha Itoobiya— Wasiiradda

Addis Ababa, Agaali/Sane 23/2017 (ENA): Wasiiradu waxay sheegeen in barnaamijka Raadka Cagaaran uu door muuqda ka qaadanayo hirgelinta qorshaha kor-u-qaadista dhaqaalaha Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Naayjeeriya Kashim Shetima, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladaha federaalka iyo kuwa deegaannada ayaa ka qaybgalay xaflad lagu qabtay Addis Ababa oo lagu bilaabay wejiga cusub ee qorshaha abuurista dhirta ee ka dhaca hareeraha wabiyada.

Wasiiraddu waxay sheegeen in barnaamijka raadka cagaaran uu si toos ah uga qayb qaadanayo hirgelinta himilooyinka horumarineed ee la xiriira dhaqaalaha, isla markaana uu bixinayo natiijooyin muuqda.

Waxay sidoo kale sheegeen in barnaamijkan uu yahay hadiyad loo hibaynayo jiilasha soo socda, iyadoo la tilmaamay in natiijooyin la taaban karo laga helayo hawsha socda.


 

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dr. Fitsum Asefa ayaa sheegtay in lixdii sano ee la soo dhaafay, in ka badan 40 bilyan oo geedo ah laga beeray dalka oo dhan.

Waxay intaas ku dartay in barnaamijku uu gacan ka geysanayo kobaca dhaqaalaha dalka, isla markaana uu tusaale u yahay horumar la taaban karo.

Waxaa sidoo kale la sheegay in kumannaan geedo bun ah la beeray, taasoo kor u qaaday dakhligii laga helayay dhoofinta bunka dalka Itoobiya.

Waxaa sidoo kale la dhoofiyay miro kala duwan sida afokaadho, taasoo keentay in dakhli dibada uu kordhay. Sidoo kale, barnaamijkan wuxuu gacan ka geysanayaa kobcinta wax-soo-saarka la beegsanayo suuqyada dibadda.

Barnaamijka Raadka Cagaaran ayaa lagu tilmaamay mid aan laga reebi karin dadaallada horumarineed ee qaranka.


 

Wasiirka Nabadda Maxamed Idriis ayaa isna sheegay in barnaamijku uu yahay hadiyad la siiyay jiilasha mustaqbalka.

Waxa uu sidoo kale xusay in barnaamijku uu door ka ciyaarayo abuurista deegaan nololeed oo wanaagsan, marka laga soo tago kobaca dhaqaalaha.


 

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Dr. Inj. Habtaamu Itefaa ayaa sheegay in barnaamijku uu sare u qaaday tayada biyaha dhulka iyo kor u qaadista dhulka la beeri karo.

Waxa uu xusay in laga shaqaysiiyay ilo biyood  aan horay u shaqayn, gaar ahaan harada Haromaya oo dib u xoogaysteen biyaheedu.

Waxaa sidoo kale la sheegay in barnaamijku uu ka hortgayai nabaadguurka carrada iyo in buuxinta barkadaha.

Waxaa la shaaciyay in sannadkan oo keliya la beeri doono 7.5 bilyan oo geedo ah.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015