Daahfurka tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa lagu daahfuray degmada celwayne ee xarunta gobalka nogob. - ENA Af-Soomaali
Daahfurka tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa lagu daahfuray degmada celwayne ee xarunta gobalka nogob.

Addis Ababa; Agaali/Sane 22/2017 (ENA): Daahfurka tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa lagu daahfuray degmada celwayne ee xarunta gobalka nogob.
Daahfurkan oo socon doona mudo 3 bilood ah waxaa ka so qayb galay dahfurka madaxa xarunta dhaxe e gobalka nogob mudane Maxamed Shaafi Bare iyo guddoomiyaha degmada mudane Shaafi Maxamed Cabdi.
Daahfurkan arrimaha tabarucaadka ee bilaha xagaaga oo ah qorshe guud oo dowladu qaadatay ayaa loogu talo'galay inay hogaaminta sare iyo hogaaminta dhexe kaalintooda ka qaataan islamarkaana sameeyaan sida arrimaha dhiigshubista, nadaafada, dhirbeerista iyo wacyigalinta arrimaha bulshada oo ay ka mid tahay garab istaaga dadka danyarta.