Waxa la sii wadi doonaa hawlaha ay Addis Ababa ku sii ahaanayso mid nadiif ah oo raaxo leh - Maayar Adhaanej Abebe

Addis Ababa; Agaali/Sane 22/2017 (ENA): Maayar Adhaanej Abebe ayaa sheegtay in shaqada la bilaabay ee ah in Addis ababa ay ahaato mid ay ku raaxaystaan dadka degani la sii xoojin doono.

Daah-furka Barnaamijka raadka Cagaaran ee 7-aad ee heer magaalo ayaa si habsami leh uga socda hal-ku-dheggiisu yahay “ dib u-Cusboonaysiinta iyadoo la beeranayo”. 


 

Maayar Adhaanej Abebe, Gudoomiyaha Golaha ilaalinta Deegaanka Addis Ababa Buzena Alkadir, Madaxa Xafiiska Barwaaqo ee Laanta Addis Ababa Moges Baalja, Culimaa’udiin, Fanaaniin, Bahda ciyaaraha, Hogaamiyayaasha Xisbiyada Tartamaysa iyo dadweyne kale.

Maayarka ayaa sidoo kale sheegay in lixdii sano ee lasoo dhaafay ay dhamaan shacabka Itoobiya ka qaybqaateen oo ay beerteen 40 bilyan oo geed.

Waxa kale oo ay xustay in 85 milyan oo geedo ah lagu beeray magaalada Addis Ababa lixdii sano ee la soo dhaafay, waxaana kaymaha caasimadu ay kor u kaceen 2.8 boqolkiiba ilaa 22 boqolkiiba. 


 

Maayarka ayaa sheegtay in Itoobiya ay ku dadaalayso sidii ay taariikh u samayn lahayd beerista dhirta, isagoo xusay in 916 hektar oo dhul ah loo diyaariyay beerista sanadkan, taas oo muujinaysa in wax-beeristu ay dhisi doonto dhaqaale u adkaysta isbeddelka cimilada. 

Waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqada la bilaabay in Addis Ababa ay noqoto mid lagu noolaado oo nadiif ah ay sii xoojin doonto. 

Maayarka ayaa sheegay in wabiyada ay bilaabeen in ay dib u soo nooleeyaan ka dib markii la sameeyay raadka cagaaran ee la sameeyay sanadihii la soo dhaafay,sidoo kale waxaa la bilaabay in la arko natiijada ka soo baxda ilaalinta ciidda iyo biyaha. 


 

Madaxa Xafiiska Bilicda iyo Horumarinta Cagaarka ee Maamulka Caasimada mudane Girma Seifu ayaa sheegay in barnaamijka raadka Cagaaran uu tusaale u yahay in jiilka hadda jira uu daneeyo jiilka mustaqbalka. 

Waxa kale oo uu sheegay in barnaamijka raadka cagaaran uu u gogol xaarayo socdaalka sare ee Itoobiya, isla markaana uu dhidibbada u taagayo sii socoshada geeddi-socodkii qaran-dhisidda ee billowday. 


#Wakaalladda Wararka_Itoobiya 
#itoobiya
 #raadka_cagaaran

Wakaalada Warka Itoobiya
2015