Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Itoobiya ayaa Tusaale u ah dalalka kale oo dhan - Madaxweyne ku xigeenka Nayjeeriya Kashim Shettima - ENA Af-Soomaali
Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Itoobiya ayaa Tusaale u ah dalalka kale oo dhan - Madaxweyne ku xigeenka Nayjeeriya Kashim Shettima

Addis Ababa; Agaali/Sane 21/2017 (ENA): Barnaamijka raadka cagaaran ee Itoobiya ayaa tusaale u ah dhamaan wadamada sida ay uga jawaabayaan isbadalka cimilada,sida uu sheegay madaxwayne ku xigeenka Nayjeeriya Kashim Shettima.
Waxa uu intaa ku daray in Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu yahay tusaale hoggaaminta casriga ah ee ka dhigi kara in Raadka Cagaaran ee Itoobiya uu guulaysto.
Madaxweyne ku xigeenka nayjeeriya Kashim Shettima; waxa uu ka soo qayb galay daah-furka Barnaamijka Cagaaran ee Raadka Cagaaran ee Itoobiya, kaas oo lagu qabtay halku dhegga “Dib-u-soo-noolaynta iyada oo loo beeranayo”.
Dhambaalkiisa waxa uu ku bogaadiyay horumarka ay Itoobiya ka samaynayso barnaamijkeeda raadka cagaaran, kaas oo wax weyn ka taraya la dagaalanka isbedelka cimilada.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in isbeddelka cimiladu tahay arrin caadi ah oo khatar weyn ku haysa, una baahan waxqabad muuqda; Arrintaas ayuu sheegay in Itoobiya ay qabatay shaqo ku dayasho mudan oo ay si dhab ah uga jawaabtay dhibaatada dhacday.
Wuxuu sheegay in tani ay muujinayso aragtida iyo dadaalka Itoobiya.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Nayjeeriya ay yihiin dalalka ugu dadka badan Afrika; taasi waxay ku tusinaysaa in labada dal ay iska kaashadaan masiirka wanaagsan ee Afrika oo ay ku riyoonayaan.
Wuxuu kaloo sheegay inay fursad weyn tahay in boqolkiiba 70 shacabka labada dal ay da’doodu ka yar tahay 25 sano jir.
Waxa uu sidoo kale xusay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu tusaale u yahay hoggaaminta casriga ah ee ka dhigista raadka cagaaran ee Itoobiya mid lagu guulaysto.