Shil gaadhi oo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 8 qof oo kale ayaa ka Dhacay Magaalo Hoosaadka Aqaaqi Qaaliti ee Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Shil gaadhi oo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 8 qof oo kale ayaa ka Dhacay Magaalo Hoosaadka Aqaaqi Qaaliti ee Addis Ababa

Addis Ababa, Agaali/Sane 17/2017 (ENA): Ugu yaraan 9 qof ayaa naftooda ku waayay, halka 8 qof oo kalena ay dhaawacyo culus soo gaadheen, ka dib markii shil gaari oo culus uu ka dhacay galinkii hore ee maanta degmada 3aad, gaar ahaan agagaarka Abaasamu’el ee Magaalo Hoosaadka Aqaaqi Qaaliti, sida uu xaqiijiyay Taliska Booliska Qeybta Qaaliti.
Shilkan ayaa dhacay abaare 3:00 (9:00) subaxnimo, shilkan ayaa waxaa isku dhacay bas rakaab ah oo ka tirsan adeegga gaadiidka dadweynaha oo lambarkiisu yahay 3-78979, kaas oo u socday dhanka Yunisa isagoo ka soo baxay Hayle Garment. Baskan ayaa si lama filaan ah ugu dhacay gaari weyn oo kale, taasoo keentay in uu baska u leexdo dhinaca kale ee jidka oo uu mar kale ku dhaco gaari kale oo ah nooca basaska Dhoolfinka loo yaqaano oo lambarkiisuna yahay 3-77970.
Waxaa la xaqiijiyay in 9 qof, oo ay ku jirto ilmo 3 sano jir ah, ay halkaas ku naf waayeen, waxaana ku jira darawalkii gaadhiga Dhoolfin-ka. Dhacdadan ayaa sidoo kale keentay dhaawaca 8 qof oo kale oo la sheegay in ay lala tacaalayo dhaawacyo halis ah.
Intaas waxaa sii dheer, laba gaari oo kale oo marayay agagaarka goobta shilku ka dhacay ayaa iyaguna soo gaadhay dhaawacyo gaar ah.
Kormeeraha Sare ee booliska, Gaashaanle Sare Mar'id Dhabele, ayaa sheegay in baaritaanno lagu ogaanayo sababta shilkan ay wali socdaan, iyadoo la eegi doono wax walba oo sababay in bas weyn uu laba gaari oo kale ay ku dhacaan isku dhacyo is-daba joog ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya