Ma jiro wax korodh ah oo ku yimid qiimaha shidaalka ama yaraan ku yimid helida shidaalka— Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka Gobalka - ENA Af-Soomaali
Ma jiro wax korodh ah oo ku yimid qiimaha shidaalka ama yaraan ku yimid helida shidaalka— Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka Gobalka

Addis Ababa, Agaali/Sane 16/2017 (ENA): Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka Gobalka, Dr. Kasahun Gofe, ayaa sheegay in aanay jirin wax korodh ah oo ku yimid qiimaha shidaalka ama yaraanta sahayda shidaalka ah.
Dr. Kasahun ayaa warbixin uu siiyey warbaahinta ku caddeeyey in laga bilaabo shalay aanay jirin wax gabaabsi shidaalka ah oo ka taagan magaalada Addis Ababa.
Wuxuu sidoo kale xusay in shidaal ku filan uu si joogto ah u soo galayo dalka.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in ay jiraan ganacsato si sharci darro ah u dhaqmaya oo si ula kac ah u abuura dareen ah in shidaal yaraani jirto.
Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabo laga qaaday laba xarumood oo shidaal siiya dadweynaha kuwaasoo lagu helay inay ku lug leeyihiin arrimahaas, isla markaana uu xaqiijiyey in tallaabooyinkaasi sii socon doonaan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya