Itoobiya waxaa ka go'an inay qaaddo tallaabooyin lagu dhimayo isbeddelka cimilada - Broofesor Iyasu Elias

Addis Ababa; Agaali/Sane 16/2017 (ENA): Itoobiya waxaa ka go’an inay qaado tallaabooyin lagu yareynayo isbedelka cimilada, ayuu yiri Brofessor Iyasu Elias, Wasiiru Dowlaha Beeraha. 

Urur goboleedka IGAD iyo dowladda Itoobiya ayaa maanta magaalada Bishoftu uga billaabay wada tashi heer sare ah oo la xiriira arrimaha beeraha, dhulka iyo u adkeysiga cimilada.


 

Furitaanka shirka wadatashiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiilka IGAD ee dalka Itoobiya, Ababawu Biholen, madax ka tirsan dowladda Itoobiya, hay’ado horumarineed iyo marti kale.

Bofessor Iyasu Elias, Wasiiru-dawlaha Beeraha, ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay qaado tallaabooyin kala duwan oo lagu dhimayo isbeddelka cimilada.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay ka shaqeyneyso sidii loo maamuli lahaa dhulka loo wada dhan yahay.

Isagoo ku hadlayay magaca Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu (Dr.), Wakiilka IGAD ee dalka Itoobiya, Abebaw Bihogen, ayaa sheegay in IGAD ay ka taageereyso dowladaha xubnaha ka ah hirgelinta qaabab caalami ah oo ay ka mid yihiin Yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah, Ajendaha Midowga Afrika ee 2063 iyo Istaraatiijiyada IGAD. 


 

Furitaanka maalinta koowaad ee wada-tashiga wadajirka ah ayaa lagu soo bandhigay qoraallo ku saabsan istaraatiijiyadaha qaranka iyo doorka xildhibaannada haweenka ee ku aaddan sinnaanta jinsiga iyo dejinta iyo hirgelinta siyaasadda dhulka ee u adkeysaneysa cimilada, sida lagu sheegay xog ay ENA ka heshay Xoghaynta IGAD. 

Dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa wada tashiyo la yeelanaya urur goboleedka IGAD, kuwaas oo looga hadlayo u adkeysiga jinsiga, dhulka iyo cimilada. Dalalka Kiinya iyo koonfur Sudan ayaa ka mid ah wadamada wada tashiyada yeeshay.

Wadatashiga ayaa ujeedadiisu tahay in la dejiyo jihada xigta iyadoo laga doodayo xuquuqda dhulka, sinnaanta jinsiga iyo adkeysiga cimilada ee waddan kasta.

#Itoobiya
 #Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015