Billowga mashruuca biyo-gelinta magaalada Qabribayax oo ay ku baxayso lacag ku dhaw 1 Bilyan iyo 200 oo Milyan oo birr ayaa la dhagax-dhigay

Addis Ababa, Agaali/Sane 13/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed iyo Madaxa Xafiiska Biyaha, Inj. Axmed Miraad ayaa dhagax-dhigay billowga biyo-gelinta mashruuca.

Biyo-gelintan oo ay ku baxayso adduun lacageed oo ku dhaw 1 Bilyan iyo 200 Milyan Birr (1,199,958,458.09) ayna ka faa’iidaysanayaan bulsho ka badan 83 Kun oo qof ayaa lagu soo gunnaanadi doonaa sanad iyo lix bilood sida qorshuhu uu yahay.


 

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed ayaa sheegay in mashruucani ka mid noqonayo mashaariicaha ugu waaweyn ee xukuumaddu isbaddalkii kaddib ay fuliso.

Xukuumadda ayaa isbaddalkii kaddib korodh weyn ka samaysay heer daboolka helitaanka biyaha. Bulshada miyiga ayuu horrey heer daboolka biyahoodu ahaa; 18% halka hada la gaadhsiiyay 46.6%, halka magaalooyinkuna ay ahayd 20% la gaadhsiiyay 51.4%– Deegaan ahaan waxaa la gaadhsiiyay 48%, waxaana laga soo qaaday 19%.


 

Billowga mashruucani biyo-gelinta Qabribayax ayaana si toos ah u taabanaya nolosha shacabka, maadaama uu wax weyn ka badali doona duruufihii biyo la’aaneed ee ay bulshadu wajahayeen–dadka deegaanka ayaana qorshahani ku tilmaamay mid weyn oo lagaga jawaabay mid ka mid ah baahiyihii ugu waynaa bulshada oo laga jawaabay!

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015