Ruqsadda dilaalnimada ee la siiyay qaybta wax-soosaarka beeraha ayaa gabi ahaanba la laalay

Addis Ababa, Agaali/Sane 13/2017 (ENA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Xiriirka Gobalka ayaa sheegtay in ruqsaddii dilaalnimada ee la siiyay qaybta wax-soosaarka beeraha gabi ahaanba la laalay.

Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Xiriirka Gobalka ah Dr. Cabdixakiim Mulu ayaa sheegay in dilaaliin badan ay jiraan kuwaas oo faraha la galay nidaamka ganacsiga iyaga oo aan wax qiime ah ku kordhinayn suuqyada qaybtaas.

Sidaas darteed, ruqsadda dilaalnimada ee la siiyay qaybaha dalagyada sida raashinka, khudradda iyo miraha, iyo xoolaha nool ayaa la laalay gebi ahaanba.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in la qaaday tallaabo lagu saarayo dilaaliinta suuqa, iyadoo in ka badan 3,000 oo dilaal iyo xiriiriye la qaaday tallaabo lagaga saarayo suuqyada.

Waxa uu sidoo kale xusay in si waara loo xalliyo dhibaatooyinka ka jira suuqyada arrintan la xiriira ay wasaaraddu si dhow ugu mashquulsan tahay.

Sidoo kale, wuxuu sharaxay in qaybta suuq-geynta sibidhka oo iyadana la hor istaagay farogelinta dilaaliinta suuqyada, lagu guuleystay in qiimaha sibidhka hoos uga dhaco kala bar.

Wuxuu xaqiijiyay in dilaaliinta faraha kula jiray nidaamka ganacsiga sibidhka iyo dadkii ka shaqaynayay magaca hay’adaha kala duwan laga saaray qaybtaas si ay suuqyadu xor u noqdaan.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015